JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Yaabka Xukunkii Xaakim Qaraaqoosh! Qiso Cajiib Ah Oo Laga Joogo Dhowr Qarni..

Published: September 13, 2016, 5:22 pm

Xaakim Abu Sacid Qaraaqush wuxu dhulka Masar xukumi jiray 597 H..Xaakim Qaraaqush waxuu ahaa Hogamiye aad u cadaalad xun,wuxu gaadhay heer ah in uu Ninka maal-qabeenka ah iyo kuwa taageersan fikiradiisa u xukumo siday rabaan in loogu xukumo.

Bulshada inteeda kalena uu ku fuliyo xukun qalafsan oo cadaalad daro ah waxuu ku caan baxay in uu dacwad iyo kiis kasta oo uu qaado u xukumo si qalooca ah oo degdeg ah kana yaabisa dadka,  Xukunadiisa waxa ka mid qisooyinka oo aad u yaab badan:

Qisada 1aad:

Xaakim Qaraaqoosh waxa maalin dacwad ugu yimid nin dhibane ah .. Ninkaasi isagoo cabanaaya ayuu ku yidhi “Xaakim Nin ba dilay ilma haygii yaraa oo dhowr habeen oo keliya jiray. Qaraaqoosh ayaa wuxu amray in la soo qabto ninkaasi, waana loo keenay ninkii ayuu yidhi ka waran arinkan waxaana ninkii la soo dacweeyay yidhi:

“Xaakim waxaan ka cararayay, Nin budhcad ah waxan soo galay guri balaqan wiilkuna wuu hurday aniga oo aan arkayn ayaan beerka iskaga tagay wuuna dhintay ee i cafi.
Go’aanka Xaakim ayaa noqday.

Inuu Gabadhii wiilka yar dhashay wuxuu ku xukumay in ay  raacdo ninka ilmaha ka dilay ilaa iyo inta ay inan kale dhalayso, markay dhasho wiil in ay ku soo wareegto Ninkan dacwoonaya ee ay hore xaskiisa u ahayd . Kitaabka :  قراقوش.. المظلوم حيا وميتا


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.