fb

Xubin Jirkaada Ka Mid Ah Ma U Hibeyn Laheyd Sheeko Quraafaad ah…!!

Published: August 28, 2016, 3:15 pm

Maalin kasta wax yaab leh ayaa dunida ka dhaca, gabadha u dhalatay dalka Hindiya ayaa go’aansatay inay carabkeeda u goyso sanamad Macbadka si u siiyaan waxa jeceshahay inay hesho.

Gabadha  oo lagu mgacaabo Arti Du aya dadka tuuladeeda si aada ugu diideen inay ficilkaasi samayso, laakiin way ka diiday. Sida lagu daabacay warabaahinta maxaliga ah ee dalkaasi. Markii ay tagtay macbadka Hinduuska ayay markii kooxaha ka ogolaadeen inay carabka ka jaraan marba hadii uu hibaynayso macbadka iyo sanamadiisa.

Isla markii ay ka jareen ayay kooma gashay oo galgalatay. Laakiin kooxada macabda ayaan ugu yeedhin dhakhaatiita waxayna ku shubeen biyo iyagoo dusheedana fadhiyay . Sidaasi ayay ahayd muddo 5 saacadood iyadoo mudadaasi ka dib ka soo baxday koomada.

Markii dadkii tuulada warkeedu uu gaadhay waxay u keeneen gaadhiga dhakhtarka, halkaasi oo lagu dawaynayo.

Dadka tuulad  ayaa sheegay inay aad ula yaabeen gabadhan oo ahayd mutaclimad waxa ku kelifaya khurfaadka ay rumaystana dadka aan aqoont lahayn. Qoyskooda markii warku gaadhay iyaguna rumaysan kari waayay. Laakin dalka Hindiya dad badan ayaa xubanaha jidhkoodu u hibeeya macbadka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply