JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Xog Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Wadnaha Oo Laga Yaabo In Aanad Ogeyn..

Published: September 8, 2016, 5:46 pm

Wadnuhu waxa uushaqeeyaa 24 ka saac maalin kasta, oo aanu ilbidhiqsi badhkii nasan, ma yaqaanno waqti hurdo iyo waqti raaxo midna, waa qaybta jidhkeenna ka mid ah ee masuulka ka ah, in dhiigga uu gaadhsiiyo dhammaan qaybaha jidhka.

Qormadanoo uu Kobciye.Com turjumay waxa aynuku eegaynaa shaqooyin uu wadnuhu qabto ama qaar ka midah muhiimadaha uu leeyahay oo aanay inta badan dadku ogayn, waxa aanay kala yihiin:

– Wadnuhu sannad kasta isu geyn ahaan waxa uu sannadkii garaacmaa in ka badan 35 Milyan oo jeer.

– Miisaanka wadnuhu waxa uu miisaanka jidhkeenna ka yahay boqolkiiba hal badhkii.

– Wadnaha haddii si kedis ah jidhka looga saaro muddo ilbidhiqsiyo ah ayaa uu iska sii shaqeeyaa isaga oo bannaanka yaalla.

– Marka la qiyaaso dhiigga uu tuuro wadnaha qofka da’da dhexe ah, waxaa soo baxaysa in qiyaastii hal milyan iyo badh foosto oo dhiig ah uu wadnuhu sameeyo inta uu nool yahay qofka waqtiga caadiga ah ku dhintaa.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.