fb

Xikmado iyo Odhaahyo Ka Turjumayo Nolosha Qeybaheeda Kala Duwan Iyo Qalinkii Ibrahim Ali Abdi “KaLaFoGe’..

Published: December 2, 2016, 5:07 pm

Shabakada kobciye.com waxaad kaga barateen barnaamijyo idiin xiiso geliyo inta badan barnaamijka kobci maskaxdaada waxaan kusoo qaadanaa qodobo qaali ah si dhalinta da’da yar ugu faideystaaan.

Maantay qodobada aanu soo qaadan doono dhamaantood waxey ku qotomaan Arimo badan oo quseeyo nolosha bini’aadamka hadaba inagala faaideyso xikmadahaasi.

Dhoola Cadeyntaada ha noqoto mid badasho dadka aadka kaaga fog, ee yeeysan noqon dhoola cadeyn aay badalaan dadka kuu ag dhaw.

Weligaa dareenkaaga haku qasaarin dadka aan dareemi karin.

Sababta aan fariin qoraaleedka mar waliba kugu soo diro waxan jeclahay inan noqdo sababta aad madaxaga hoos ugu dhigtid kadibna adoo dhoola cadeynayo aad madaxa sare usoo qaado..

Haa waa xaqiiqo nafteyda waan la tashadaa lakin mararka qaar waxaan u baahanahay inaan kaashado waayo aragnimada kobciye.com

Xidiguhuba meysan iftiimeyn. mugdiga la’aantiis sidaa awgeed anigana jaceyl ima soo abaareen adiga la’aantaaa.

HOOOYO Kuuma balan qaadi karo in aan dhibaato oo idil aaysan kusoo gaarin, lakin waxan kuu balan qaadayaa in dhibaato kasta aadan wajihin adigoo kaligaa ah.

Dhoola cadeyntu waa make up-ka ugu quruxda badan ee gabadhi aay isticmaasho nolosheeda.

La Soco Isbuuca xigo haduu ALLE idmo

W/D Ibrahim Ali Abdi “KaLaFoGe”..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply