fb

Xikmado Aad Uxiiso Badan Oo Ka Turjumayo Saaxiibtinamada Dhabta Ah.. “Xusuus Kulul”.

Published: September 7, 2016, 4:00 pm

Isbuuciiba hal mar waxaad nooga barateen xikmadaha jaceylka inaan idiin soo gudbino, mala gaarin waqtigii aad nooga barateen balse xikmadahaan katurjumayo saaxiibtinimada waxaa naga soo codsaday akhristayaasha kobciyemedia.com akhriste kamid ah sidaa awgeed ayaan usoo daabacnay xikmadahaan muhiimka ku ah saaxiibtinimada.

Akhristoow nagula naso qodobadaan xiisaha badan ee saaxiibtinimada katurjumayo, ogoowna saaxiib wanaagsan si lagu helo waa adagtahay.

– Guul maahan in aad sameysato sanadkii 100 saaxiib oo kuu dhaw waxaase guul ah inaad sameysato hal saaxiib oo 100 sano kula jiro.

– Saaxiibka dhabta waa saaxiibka gacantaada had iyo jeer u dhaw si sahal ahna kutaaban karo wadnahaada.

– Saaxiibtinimada maahan iloowsho ee waa is cafin, saaxiibtinimadu maahan waxaad aragto ee waa waxaad dareento, saaxiibtinimadu maahan in leys dhageysto keliya ee waa in leys fahmo.

– Dhiiro gelin la’aan nolosha weey adagtahay waxaan kufaraxsanahay inaan helo saaxiib dhab ah oo had iyo jeer idhiiro geliyo sida adigoo kale.

– Qofbaa iyiri dooro maantay waxaad dunida ugu jeceshahay oo aad dooneyso in ebid wehel aad kadhigato, waxaan iri waxaan doonayaa inaan wehel kadhigto Shabakada kobciyemedia.com , kadib ayaa lee dhahay sxbkaa inaad wehel kadhigatid mdooneysid miyaa, waxaan kujawaabay sxbkey awal ayaan haaystay ebidna waan haaysan lahaa.

– Saaxiibka qaaliga ah waa sida xidigaha mar weliba ma arkeysid balse waqti walbo waa halkoodii.

– Nolosha waa sheeko dhowr cutub leh, waala iloobi karaa in la akhriyo, balse cutubkii aan adiga kukala kulmay ayaa ah cutub aan weligey intaan jiro iloobeyn.

Saaxiibtinimadu waa sida kabaha mid waa kugu dhagantahay mid waa dabacsantahay mid waa kaa weyntahay, waxeyna kaa caawiyaan sidaad noloshaada usocon laheyd, waad mahadsantahay saaxiib inaad size-keyga noqoto.

– Nolol Saaxiib La’aan Ah waa bad aan malaay laheyn.

Inta aan ku gudo jiray qorista fariimahaan saaxiibtinimada waxaan xasuustay Aabahey ALI ABDI FIIDOOW oo ah shaqsiga ugu horeeyay aan la saaxiibay nolosheyda illaa hadana sxbkey ah

Akhristoow adigana intaad akhrisaneysay qodobadaan saaxiibtinimada yaad xasuusatay ama saaxiib qaali ah ma haaysatid.

W/Q Ibrahim Ali Abdi ‘Kalafoge’


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.