fb

Xikmadaha Maanta Kobciye.com Waa Maxay Sheey Dadka Aay Adagtahay Iney Sameyan Adiguna Sameyn Kartid..

Published: August 29, 2016, 12:38 pm

Haddii aad rabto inaad si fiican u noolaato, ku xidh noloshaada ujeedooyin iyo hadafyo, oo ku xidhin ashkhaas iyo dad gaar ah.

Haku faanin muuqaalka quruxdaada maxaa yeellay  adigu maad samaysan, hana ku faanin qabiilkaaga maxaa yeelay adigu maad dooran, laakiin ku faan akhlaaqadaada maxa yeelay adiga ayaa samaysan kara.

Inaad wanaag u samayso qof ku wanaajiyay waa mid dad badani samayn karaan, laakiin inaad wanaag u samayso qof ku xumeeyay waxa samayn kara oo keliya dadka caqliyada weyn leh .

Si wanaagsan qofka ula hadal , haddii ay xumaan u fahmaan masuul kama tihid naafada caqli ee uu leeyahay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply