fb

Xikmadaha Maanta Kobciye.com Iyo Dhowr Qodob Oo Quseeyo Nolosha Dhalinta Maanta..

Published: October 30, 2016, 5:41 pm

Dugsigu wuxu ku baraa casharo , ka dibna ku itixaama, laakiin Noloshu way ku imtixaantaa markaas wax ku bartaa.

Marka Dariiqa uu marayo Caajisku waxa raaca Fakhriga. Inta aanad jebin shay qurux badan Ogow in Shayna aanu noqon sidii uu ahaa

Ha yaraysan ducada kan dulman, waxa laga yaabaa inay taasi kaa dhigto kan dadka ugu itaalka daran.

Ma jeclid in qaladka kaa dhaca lagu canaanto, ama laguu saxo sid adag. Adiguna iska jir arinkaasi, u sax dadka khaladkood si degan.

Waxa badan haku mashquulin fikirka arin dhib kugu haysa, laakiin Allah weydiiso dhenbi dhaaf, maxaa yeelay denbi dhaafku wuxu furaa albaabo aanu fikirku furin.

Ma jiraan dad ka cabanay maskaxahooda , laakiin ogow maskxada ayaa ka horaysa jidhka iyo wax kasta.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply