JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Xikmada Maanta Iyo Mid Ka Mid ah Murtidii Laga dhexlay Suldaankii Caadilkaa Ee Nuuruddin Zinki ‘Adduunyadu Waa Hadhkaaga!’.

Published: September 6, 2016, 12:00 am

Adduunyadu Waa Hadhkaaga!

Adduunyadu Waa Hadhkaaga. Suldaankii Caadilka ahaa Nuuruddin Zinki ayaa Maalin faraskiisa cayriyey, ilaaladii ayaa ka daba carartay, horuu u orday, wey ka daba ordeen, dib ayuu u orday sidoo kale, wexey weydiiyeen wuxuu sidaa Suldaanku u yeelay,

Wuxuu yiri: hadhka faraskayga eega, hadaan horay u ordo wuu iga ordayaa marna gaari maayo, hadaan gadaal uga cararana wuu isoo daba ordayaa. Adduunyaduna waa sidaase ogaada. Hadaad cayrsatana wey kaa sii carari. Hadaad ka carartana wey kaa daba carareysaa.!!

Macnaha xigmaddu maaha wixii xalaal ah in laga tago, laakiin wadooyin xaaraan ah in lagu cayrsado ayaa laysaga digayaa, sida beenta, khiyaanada, xatooyada, lunsashada hantida ummadda, musuq maasuqa, is daba marinta, ballan furyada, yaa u sheega kan taa ku cararaya ee hidiidaya sidii aan loo jeedin, inuu berri isagoo duudka ku wada la iman doono. Miskiinyohow ama ku carar ama ka carar adey kuu taallaa!


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.