fb

Wiil Yar Oo Xal u Helay Dhibaato ay Diyaaraduhu Aad Uga Caban Jireen…

Published: October 30, 2016, 5:46 pm

Wiil yar ayaa markii ugu horeysay cilmibaadhis ka sameeyey dhibaato ay in badan ka caban jireen diyaaradaha kala duwan ee u kala goosha caalamka, kaas oo in badan ay culimada dhanka caafimaadkuna isku dayeen inay xal u hayaan laakiin ay u waayeen.

Dhibaatadan ayaa ah Jeermiska dadka kala duwani ay sidaan ,kaas oo ay isu gudbiyaan marar badan ,sidoo kalena diyaarada lafteeda dadka ka shaqaynayaa ay ka cawdaan inay dhibaato kala kulmaan.

Wiilkan ayaa sameeyey computer si fudud loogu ogaan karo in qofkasi uu Jeermis sido iyo in kale , kaas oo haddii uu qofkaasi Jeermis sido si fudud u sheegaaya , iyada oo lasii dhex marinaayo , waxaanu bixinayaa laydhadh kala duwan marka uu sheegaayo .

Wiilkan oo lagu magcaabo Raymond Wang oo da’diisu jirto 17 sanno waraysi dheerna siiyey wargeyska Daily Mail oo uu warbixintan kazoo xigtey kobciye.com ayaa sheegay in uu qalabkan ikhtiraacay kadib markii uu muddo ku daba jiray daraasadna ku samaynaayey sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadan diyaaraduhu ka cabanayaan .

Waxaanu sheegay in Computer kani uu ku rakiban yahay qalab u samaysan sida qalabka hubka lagu baadho ee  madaaradda yaala, isaga oo laydha casaan ah bixinaaya haddii uu qofkasi yahay mid Jeermis xambaarsan ,haddii kalena uu laydh akhtar ah bixinaayo.

Waxa kale oo uu intaas raaciyey in uu hadda samaynaayo qayb cusub oo uu doonaayo in lagu ogaan karo Bacteria-da jidhka qofka ku jirta ama saaran ,.

Dhibaatada xanuun gudbiyahan ayaa ah dhibka ugu weyn ee haysata dadka diyaaradaha kexeeya , iyada oo ay rakaabka ka qaadaan xanuuno uu duraygu ugu badan yahay , kaas oo keena in mararka qaar uu qofka Baylodka ahi sii wadi kari waayo duulimaadyadii.

Mr Wang ayaa rajaynaaya inuu ku guulaysto inuu joojiyo fiditaanka xanuunadaasi waqtiyada diyaaradaha lagu jiro  ama duulimaadyada lagu jiro.

Sidoo kalena Computerkan ayaa wata marawaxado yar yar oo qof walba meeshiisa loogu xidhaayo , taas oo hawada ay dadku isu gudbinayaan kala firdhinaysa , taas oo laga yaabo inay meesha ka saarto germs kii hawada laysugu gudbinaayey.

Mr Wang ayaa sheegay in uu fikirkan ku abuuray kadib markii sannadkii 2015 uu meelo badan oo Afrika kamid ah ka dilaacay xanuunkii Ebola , kaas oo laayey dad aad u badan , sidoo kalena waxa iyaduna kamid ahayd waxyaalaha ku keenay fikirkaasi kadib markii uu meelo Aasiya kamid ah ka dilaacay xanuunkii Durayga Shimbiraha oo isna dad badan laayey.

Xanuunadan ayaa qaarkood haayeen kuwo laysugu gudbinaayey socdaalada dhanka hawada ah , waxaanu sheegay in intooda ugu badani ay ahaayeen kuwo marka uu qofku hindhiso u gudbaayey dadka kale ee hareerihiisa fadhiya ama jooga ,sidaasna ay dad badani xanuunadan ku qaadayeen.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply