JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Weli Ma Is Weydiisay, Maxay Madaxda Dunidu lacagta u Dhigtaan Switzerland?

Published: December 31, 2016, 4:54 pm

Dalka Switzerland ayaa la sheegay inuu yahay dal dhexdhexaad ah oo haba yaraatee aan  ka qayb qaadan loolanka dunida guud ahaan iyo kan gobol ahaanba, taasi oo ka dhigtay dal aamin ah oo lacagta dunidu ku ururto.

Switzerland oo ku taalla Yurub kamay qayb qaadan labadii dagaal ee dunida ka dhacay kuwaasi oo ka socday dhinacyadeeda  iyadana lama soo weerarin madaama ay dhex ahayd.

Switzerland ka mid ah midowga Yurub, kumana jirto dalalka isticmaala lacagta Euro, xubina kama ah Qaramada midoobay, sidaas darteed waxay ka fogaatay qaynuun kasta oo dhinaca debedda kaga iman lahaa oo qabanaya waana taasi tan ku soo dhiirisa qof kasta inuu lacag dhigan karo.

Waxa kale oo jirta in macmiilka doonaya inuu xisaab ka furto baanka dalkan aan lagu dhibin oo aan la weydiin macluumad adag iyo siro gaar ah. Marka uu lacagta dhigtoba waxa la siinaya calaamad uu ku gelo oo uu kala bixi karo. Arimahaasi aya ka keenay inay Switzerland noqoto dal qof kasta lacag baankeeda dhigan karo meel kasta ha ka joogo dunide.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply