fb

Weli Ma Is Weeydiisay Suaashaan Cajiibka Ah Maxaa Badda Ka Dhigay Buluug?

Published: October 5, 2016, 1:18 pm

Mar-marka qaar ma is-waydiisaa su’aashan “Maxay baddu ugu muuqataa midabka buluugga ah? Ama ma aaminsan tahay fikrada ah in baddu buluug u tahay maxaa yeelay midabka Cirka ee ay dib u soo celisaa?

Hadday jawaabtaadu “haa” tahay, ma is-weydiisay xilliga daruurtu ay jirto maxay weli baddu buluug u tahay?, hadaba Maqaalkan waxaanu si kooban ugu cadeyn doonaa sababta ka dambaysay midibka buluuga ah ee biyaha baddu leeyihiin.

Waxay baddu baluug ugu muuqataa isla sababta ka dambaysay cirku inuu buluug ugu muuqdo, waxaynu wada ognahay in dadku wax ku arkaan (Iftiinka Cad) ee Cadceeda ka yimaada, kaas oo ka kooban todobada midab ee asaasiga ah (Spectrum Seven), marka uu iftiinkaasi ku dhaco dhibcaha roobku way kala jab-jabaan ama leexad ayuu sameeyaa, wuxuuna soo saaraa midabyada uu ka kooban yahay iftiinka cad ee cadceeda, waa marka aynu aragno waxa loo yaqaan “ Qaansa Roobaadka” ee qoraxda badan dadka qaarna u yaqaanaan “Seyn Roobaad” waxaana inta badan la’arkaa xiliyada Roobka.

Markasta oo uu iftiinka cad (iftiinka cadceeda) uu shey ku dhaco sida (Geed, Xayawaan, Dad, ama Dhagax) shey kasta oo kuwaa aynu soo sheegnay ahi waxa jira iftiin uu nuugaayo iyo qaar kale oo uu iska soo celinayo, hadaba iftiinkaas deeyfka ah “Specturum” uu soo celinayo ayaynu ku kala soocnaa (saarnaa) midabyo, si’aad si’ fiican aragtidan ugu fahantid tusaalahan ayaa faahfaahinaya.

Falaadhaha iftiinka cadceedu waxay 49% ku baa’ba’aan hawada, waxa dhulka dushiisa soo gaadha 51% oo keliya, markale markay biyaha badda uu iftiinka cadceeda ee wata falaadhaha kala midabka ah ay ku dhacaan biyaha badda, midabka casaanka falaadhaha wataa gudaha biyaha ayey ku dhax baa ba’aan ilaa 30m oo biyahaa nuugayo, sidoo kale midabyada kale Cagaarka, huruuda, IWM,

Llaakiin falaadhaha xanbaarsan midabka Buluuga ah biyaha baddu wey soo celiyaan, maxaa yeelay midabka Buluuga ahi wuxuu ku socdaa hirrar yar yar (short wavelength) taasoo ku caawineyso inuu noqdo mid ay aad u fududahay inay falaadhihiisu kala jab-jabaan ama dib usoo noqdaan (Reflected Back), laakiin falaadhaha xanbaarsan midabka Casaanka ahi waxay ku socdaan hirrar dhaadheer (long wavelength) inuu jajabo iftiinkiisu ama dib isku soo noqdaa ma fududo. Sidaas darteed baddu midabyada kale oodhan way nuugtaa,

Midibka keliya ee ay soo tufayso ama dib u soo celinaysaa waa midabka Buluuga ah, waana sababta aynu ugu aragno baddu inay Buluug tahay.Markuu Cilmigu sii horumaray ee la soo saaray qalabka lagu qiyaaso salka hoose ee badda waxay Culimadu ogaadeen falaadhaha iftiinka ee ugu dambeeyo ee biyaha gudaha u soo gudbaan inay yihiin falaadhaha xanbaarsan midabka Buluuga ah.

Mugdiga daran ee ka jira salka hoose ee badda daraadeed ayay Culumada Cilmiga Baddu waxay aaminsanaayeen inaanay nololi ka jirin, kadib markii Cilmigu sii horumaray ee la isticmaalay qalab horumarsan ee lagu baadho salka baddaha ayaa waxa la ogaaday inay nolol ka jirto salka badda oo ay jiraan xayawaano ku nool sida Gooryaan Baddeedka (Marine Worms) oo dhererkiisu dhan yahay 200m, xayawaankan ayaa wax ku arka midabka jidhkiisa oo ah (Phosphoric) kaasoo iftiin soo daaya, isla aragtidaas cilmiga ee Culimadu soo ogaadeen dhawaan, sidoo kale  Qur’aanka Kariimka ah ayaa ku sheegyay waqti dheer ka hor, aayada 40aad ee Suurada Al-Nuur, isla aayadani waxay kuu sharaxaysaa midabyada is-dul saar-saarmay dhererka hoose ee Badda ee keenay mugdiga daran ee badda hoose ka jira.

aynu tijaabino isla tusaalahii hore Cirka (Samadda), markuu iftiinka cad ee ka imanaya cadceedu uu soo gaadho Cirka, sidoi oo kale qayb iftiinkaas ka mid ah Cirku wuu nuugaa qaarna dib ayuu u celinayaa, iftiinka uu celinayo midabkiisa ayuu qaadanayaa oo ah buluugga, hase ahaatee markey Culimada tageen Samada sare (Space) waxay soo arkeen Cirka wixii ka sii shisheeya intra aynu aragnaa inay tahay mugdi, taasina ma burinayso aragtida aynu hore idin kugu soo sheegnay, maxaa yeelay Cirku wuxuu iftiinka dib ugu celinayaa (Reflected Back) dhanka dhulka hoose maaha dhanka sare ee Cirka sare (Space), sidoo kale baddu waxay u soo celinaysaa iftiinka dhanka sare ee badda, sidaa darteed badda hoose waa mugdi, waana xikmad uu Alle aqoonteeda leeyahay.

Waxaanu rajaynaynaa in maanta ka dib aad ogtahay sababta ay Baddu ugu muuqato midabka Buluuga.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.