fb

WAX BADAN KA OGOOW WAAJIBAADKA NINKA KA SAARAN GURIGIISA. (Qeybta Koowaad).

Published: September 13, 2016, 7:23 pm

Sida uu Imaam Abuu Xaamid Al-Gasaali uu ku Qoray Kitaabkiisa (Ixyaa’ Culuumi-Diin).

Ninku kolka uu Guursanayo, waxaa Waajib ku ah inuu Fiiro u yeesho, Ushana Dhexda u qabto Laba iyo Toban Arrimood oo Muhiim ah, waxeyna kala yihiin:-

1- Waliimada (Sabta ama Alla-Bariga) la sameeyo Habeenka Aqalgalku waa Sunno, waxaadna ka Garan kartaa Xadiis Saxiix ah, oo laga weriyey Aanas ibni Maalik RC, oo ahaa:- Rasuulka CSW, ayaa C/Raxmaan ibnu Cowf RC, ku Arkay Raad jaalle ah, makaasuu weydiiyey:- Waa maxay waxaani?.
C/Raxmaan wuxuu yiri:- Islaan baan ku Guursaday Iniin Muggeed oo Dahab ah, Markaas buu Rasuulku CSW, yiri:- Eebbe hakuu Barakeeyo, wuxuuna Raaciyey:- Waliimo samee Ri’ba Allaah ha ka Dhigee.

2- EDEB IYO DULQAAD.

Ninku kolka uu Guursado waxaa laga Doonayaa inuu wax ka Beddelo Dhaqankiisa iyo Akhlaaqdiisa, kana Gudbo Dhallinyaranimadii uu ku Noolaan jiray kolkuu Naftiisa uun Mas’uul ka ahaa, uuna is Dareensiiyo in Fal kasta oo ka Dhacaa uu Saameynayo Marwadiisa. Eebbe wuxuu Aayaddiisa Qur’aanka ku yiri:- Wanaag kula Noolaada Haweenkiinna. [Suuratu Nisaa:19].

Waxaa la weriyey in Ninkii ku Sabra, Edebdarrida Ooridiisa uu Eebbe siiyo Ajar la mid ah Nabi Ayuub kii uu siiyey kolkuu ku Sabray Imtixaankii la geliyey, naagtii ku Sabarta Edebdarrida Ninkeedana uu Eebbe siiyo Abaalmarin u dhiganta tuu siiyey Aasiya oo ahayd Xaaskii Fircoon).

3- KAFTAN IYO FARA CAYAAR.

Kaftanka iyo Faracayaarku wey Farxad Geliyaan Dumarka, Rasuulkuna CSW, wuu la Kaftami jiray Haweenkiisa. Waxa la weriyey inuu Rasuulka CSW, la Ordi jiray Caa’ishah RC, oo ay marna ka Orod Badin jirtay, markuu Asagu ka Orod Badiyana Dhihi jiray tii hore u qaado. Anagana sidaas ayaa nalaga doonayaa Kaftanka iyo Fara Ciyaarka.

4- HAKU TALAX TEGIN KAFTANKA & FARAKA CIYAARKA.

Ninka Kaftankiisa iyo Fara Ciyaarkiisu Waa inaanu noqon kuwo Edeb darro Islaanta bara, Gaarsiiyana Heer ay isagiiba Qiimayn weydo, maxaa yeelay wax kasta oo Xadkooda Dhaafaa Lidkood ayey isu Beddelaan.

5- MASEER DHEX-DHEXAAD AH.

Waa inaanu Ninku ka Seexan Arrimaha Khatartooda leh, isla markaasina waa inaanu ka Shakiyin wax kasta, iskuna Deyin inuu ka Salgaaro.

Maseerku waa wax loo baahan yahay, oo waa inaanu Ninku u deynin inay wax waliba u Dhacaan siday doonaan. Bal ila eega Xadiiskaan:- Rasuulku CSW, wuxuu yiri:- Habeenkii la i Dheelmiyey, waxaan Jannada ku Arkay Guri weyn oo ay Daaraddiisa Jaariyad joogto, markaas baan iri:- Yaa iska leh Gurigaan?, waxaana la’i yiri:- Cumar baa iska leh. kolkaas baan Damcay inaan Eego Dhexdiisa, waxaase aan soo Xusuustay Masayrkaaga Cumarow. Markaas ayuu Cumar Ooyay isagoo leh:- Ma Adigaan kaa Masayrayaa Rasuulkii Alloow).

Diinteenna Islaamku waxa ay qabtaa inaanay haweneydu Gurigeeda ka bixin haddaanay ninkeeda amar ka haysan,

6- MARASHO IYO MASRUUF DHEX-DHEXAAD AH.

Ninku waa inaanu Xaaskiisa Baahi iyo Arrad ku Dilin, isla markaasina waa inaanu ku Cayaarin Maalka Eebbe siiyey.

Alaah waxuu Aayaddiisa ku yiri:- Cuna oo Caba, hana ku Cayaarina, Eebbe ma Jecla kuwa Xoolahooda ku Cayaara, Gacantaadana Luqunta haku Xiran, hana wada Bixin). (Suurat Al-Israa: 29). (La soco Qeybta kale).

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW DEMBIGEENA DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.