fb

Wax Badan ka Barro Cuntooyinka Aay ku Badan Yihiin Maadada Kobciso MAskaxda Aadanaha..

Published: August 28, 2016, 10:58 am

Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen khubaro dhanka caafimaadka ahi ayaa lagu sheegay in cuntooyinka qaarkood oo laysku daraa ay keenaan in qofkaasi caqli ahaan iyo awood ahaanba u koro.

Khubaradan ayaa sheegay in haddii cuntooyinkaasi si joogto ah saddexda waqtiba ay keento inuu qofkaasi ka maskax badnaado kana awood badnaado dadka kale, sidoo kalena ka caafimaad badnaado.

Cuntooyinkan oo uu ugu horeeyo Beedku ayaa la sheegay inay u fiican yihiin dhinaca Unugyada dhiiga ,gaar ahaana qaybtooda maskaxda tagta iyo qaybta xusuusta ee maskaxda,waxa kale oo ay sheegeen inuu u fiican yahay dheeli tirka sonkorta iyo dhiiga.

Sida lagu qoray wargeyska The Health ee kazoo baxa Canada oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan  ayaa lagu taxay magacayada cuntooyinkaasi.

Waxa kale oo cuntadaasi kamid ah Kaluunka iyo sidoo kalena Biiniska,kuwaas kuwaas oo iyaguna u fiican unugyada dhiiga ee jidhka,gaar ahaan halbowleyaasha uu dhiigu maro,iyaga oo ku sameeya balaadhin,waxaanay taasi keentaa inuu dhiigu maskaxda si fudud u gaadho.

Sidoo kalena waxay sheegeen in koob kafee ah oo uu qofku cabo uu isna fur furo shaqada maskaxda,kaas oo ka dhiga mid si fiican u fikirta,xaaladeeduna noqoto mid degan.

Khubaradan ayaa kula taliyey dadka inay cunaan ,waxyaalaha uu Beedku ka mid yahay,Caabashku kamid yahay,Beerku kamid yahay,biinisku kamid yahay,kuwaas oo wanaajiya caafimaadka qofka ,gaar ahaana maskaxda iyo tamarta qofka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply