fb

Wareysi yaab Leh Oo Dhex Maray weriye Iyo Nin Lo’diisa La Jiro, Markaad Fahanto bal Faaleey..!!

Published: August 27, 2016, 10:56 am

Weriye : Maxaad ku quudisaa dibidan?

Ninka:    Ma kan cad mise kan madow?

Weriye : Kan cad

Ninka:    Caws ayaan ku quudiyaa.

Weriye : Kan Madowna.

Ninka:   Isna sidoo kale caws.

Weriye:  Xageed ka waraabisaa.

Ninka : Ma kan cad mise ka madow?

Weriye : ka Cad

Ninka:  Kan Cad webiga

Weriye: ka madowna?

Ninka: Isna sidoo kale Webiga.

Weriye: Yaab badanaa, Maantoo dhan maxaad ka leedahay  ma kan cad mise kan madow, waayo isku si ayaad wax u siisaaye?

Ninka: Sababtoo ah midka cad aniga ayaa leh

Weriye : Ka madowna yaa leh?

Ninka : kan madowna sidoo kale anigaa leh.

Ma fahmi kartaa sheekadan?


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply