JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Waqtigaa Na Riixayee Ragoow Raalliyo Miyaa Lahelayaa ‘Qormo Xiiso Badan’.

Published: September 11, 2016, 4:00 pm

Dhalinyarada Soomaaliyeed kuwooda Ragga ah waxey isweeydiiyaan tolloow majirtaa gabar raalliyo ah, haddane ayagoo og in aay jirto ayey maskaxdooda waxey aaminsantahay in aan laheli Karin gabar qoyskeeda si raalli ah u dhaqato.

Xusuusnoow in lahelayo gabar raalliyo ah balse xiligaan lajoogo waxaa sababayo in raali leysku noqdo ayaa waxey tahay in labada lamaanaha ah qof walba uu aaminsanyahay asiga ama ayada kuma daryeeshee maxaa jaceylu tuseysaa hadii aad inaad daneyneysid lagu arkana waaba laguugu tumanayaaa, runtii waa fikir qaldan balse waa xaqiiq dhalinta xiligaan jirto ineysan garaneyn macnaha daryeelitaan jaceyl oo waa xaqiiq markii jajabnaasho lagaa dareemo in laguugu tumanayo.

Waayahayee waxaan rabaa inaan raalliyo ninkeyga u noqdo oo aan u jajabnaado asagana uusan igu tuman, haddaba sidaaa sidee ku abuuri kartaa, waa suaal madaxaada kusoo noqnoqoto haddaba intaan hoose akhri hadii aad tahay si aad udhameystirto kalgaceylka lamaanhaada.

Ugu horeryn waxaa sababo in lamaahada kala kulanto weji gabax xili aad adigu raalli u tahay ayaa waxey tahay adiga oo uu kaaga bartay is bad badal waxaa hubanti ah hadii lamaanahaaga aad ujoogteyso jaceylka xad dhaafka ahi oo aadan marne karajo dhigin adoo og hadii aad u jajabnaato in lagugu tumanayo, runtii marna hadaadan is badalin oo aad u joogteyso kalgaceyl dheeraad ah oo aad tusto naxariis uusan ebid arkin waxaa hubaal ah in uu kuusoo dabci doono marna uusan kugu tuman doonin halkaasna kabixi doonto fikradii aheyd hadii aan u jilcanaado waa leygu tumanayaaa.

Ma ogtahay qalbiga dadka in uu kasameysanyahay wax jilcan oo dhiig iyo xinjiro ah jilcanaantaas awgeedna aad ku hantin karto quluubta lamaanahaaga, waxaan kahadlayo maahan dhalinta kujirto xiliga haasaawaha ee jaceylka waayo kuwaasi waa ay kaduwanyihiin lamaanaha is qaba, halka lamaanaha is qaba iyo kuwa is jaceyl qilaafka uu labadaba kubadanyahay lagana simanyahay hadii aad daacad u noqoto in lagugu tumanayo, hadana farqi ayaa udhaxeeyo .

Weli yaa arkay gabar xaas ah oo ninkeeda markuu imaado xaafada asoo daalan in aay dharka kabadasho kadibna aay lugaha asagoo sariirtiisa jiifo inta aay beeshin ama baaldi lugaha u geliso aay udhaqdo kadibna garbasaarkeeda ku qalajiso oo sariirtiisa ku celiso.

Yaa arkay nin inta guriga markuu yimid asagoo daalan uusan sariirta aadin uu xaaskiisa asagoo dharkii magaalada wato jikada inuu lacaawiyo galay oo baradhada u jarjaray ayadana aay shiileyso.

Ogoow hadaan saas leysku noqon heli meeysid janada dunida iyo nolosha macaanteeda, fikirka ah hadii aad jeceyl iyo daryeel tusto waa uu ku nacayaa intaad meesha kasaarto bal ujoogteey jaceyl xad dhaaf ah hadii aad arki waaysid asaga oo kuu jajaban wax ha iweeydiin, ogoow gabaryahay ninka adiga hagi karo waa hadii aad u baahato, mar weliba waxaad dhageysataa oo amarkiisa qaadataa ninkaada taasoo ku abuureyso kalsooni mida u xoogan, abwaan Digil Warsame ayaa horay uyiri Marwo Camal Xun Maangaab Ninkeeda Maqasho Baa Dhaanta.

Ninkaada guriga waxaad ugu dhigtaa meel uu kunasto oo uu daalkii magaalada iyo shaqada uu ku iloobo, ha usoo xiiso guriga haka dhigin guriga meel uu ka xiiso.
Gegabada qormadeyda waxey tahay dardaaran taaso ah in laga tago waxyaabaha qoyska sahalku burin karo, waxaa jiro in dumarka qaarkii ayagoo careysan ama tijaabinayo ninkooda jaceylka uu jeceylyahay in aay dhahaan ifur ayagoo qasab ugu dhigayo, dabadeed ninkii shaydaan inuu kafaaideysto halkaas waa ku furay uu kudhaho, taasoo sababto in gadaal laga shalaayo oo ladhaho sheikh hebeloow sidaa ayaa nagu dhacdee noo waran, intii aay intaasi kudhacday waaba dhacday balse hadda kadib waxaas in laga feejignaado macaanta qoyska hala wadaago si janada aad ugu kulantaan Haduu EEBE idmo.

W/D Ibrahim Ali Abdi ‘Kalafoge’


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.