fb

Waa Maxay Sababta Loo Calaamadiyey Xarfaha F Iyo J Ee Keyboard-ka Computer-ka?

Published: September 25, 2016, 11:46 pm

Daraasad cusub oo dhowaan lasoo saaray ayaa lagu cadeeyey sababta keentay in la calaamadiyo xarfadaha lagu isticmaalo Computer-ka qaar kamid ah,kuwaas oo noqonaaya laba xaraf,  sidoo kalena ay ku lamaan yihiin laba kale oo aan iyagu wax calaamad ah lahayn.

Khubaro ka socotay jaamacadda Harvard University oo cilmibaadhistaasi u dirtay ardayda jaamacaddaasi ayaa ugu dambayn helay jawaabta ay ardaydaasi soo gudbiyeen, taas oo noqotay natiijada daraasadaasi .

Xarfaha labada ah ee ay su’aashu ku taxaluqday ayaa kala ah xarfaha F iyo J, kuwaas oo hoosta laga mariyey liid cad, markay baaba’do calaamadaasina noqota waxyar oo buuran oo isagu aan baa’ayn.

Labadan xaraf ayay khubaradaasi sheegeen inay yihiin labada xaraf ee ka masuulka ah shaqada Keyboardka Computerka, sidoo kalena fududeeya in uu qofku si fudud wax ugu qori karo Computer-ka , gaar ahaana marka uu deg degaayo ee aanu doonayn in uu u fiirsado waxa uu qoraayo.

Waxa kale oo ay labadan xaraf fududeeyaan in uu qofku wax qori karo isaga oo aan eegin xarfaha ku dul yaala Computer-kiisa , taasina ay tahay hab kale oo isaguna fudud.

Waxa kale oo ay xariiqdani fududaysaa in dadka aan xarfaha si fiican u arkayni ay si fudud u arkaan, madaama oo ay xariiqdani tahay mid cad oo la wada arki karo.

waa-maxay-sababta4-310x176Xarfahana aynu soo sheegnay ee F iyo J ayay ku lamaan yihiin xarfo kale oo ay kamid yihiin B iyo T ,kuwaas oo iyaguna kaalin weyn ku leh qoraalka wax lagu qoraayo Computer-ka, waxaanu qofku marka uu adeegsanaayo xarafka B u fudud inuu si fudud u garto halka ay ku yaalaan xarfaha  J iyo Q  iyo sidoo kalena Q ,taas oo uu si fudud u garan karo.

Dhinaca midigta waxa isna muhiim ah xarafka T oo isna marka la saaro farta uu qofku si fudud u garan karo halka ay ku yaalaan xarfaha N ,M iyo K,taas oo ka dhigaysa qoraalkaasi mid si fudud loo qoro.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa daba socotay daraasado ay jaamacadda Harvard ka waday dhinaca Computer-ka iyada oo adeegsanaysay ardayda IT-ga ee jaamacaddaasi dhigata.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.