JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

VIDEO:- Caruurtooda Ayay Saqafka Sare ee Guryaha ka Soo Tuuraan Farxadda Sanadka Cusub!

Published: December 15, 2016, 2:30 pm

Gobolka Karanataka ee dalka Hindiya sanad kasta bishan December ee aynu ku jiro, waxa Macbadka Hinduuska ee ku yaalla isagu yimaadda   Aabayaasha deegaanka oo mid kasta uu sido ilmihiisa yar.

Odayaashan ayaa mid kasta ilmaha yar la korayaa saqafka sare ee Macbadka , iyagoo gaadhaya goobta ugu saraysa. Dad badan oo ka mid ah eheladooda ayaa iyana hoos jooga Macbadka ,waxayna goglaan furaashyo. Aabaayashan ayaa mid kasta ilmaha markiisa ka soo tuuraa figta saqafka ee sare isagoo ku soo daynaya furaashka hoosta yaalla.  Ilamhaasi yar ayay qaar badni luqunta jabaan oo sidaasi ku dhintaan.

Caadadan ayay u sameeyaan Aabayashani iyagoo aaminsan in qoyskooda uu sanadkaasi cusubi uu noqon doono mid nasiib badan. Macbadka ayaa isna ka qaada kharashka loogu fudadiyay adeega inay sanadkaasi helaan nasiib wanaagsan.

Waa sidaasi , mar haddii Aadamiga uu shaqayn waayo caqligiisu farsamo kasta aya lagu khiyaameeya. Dhimashada ilmihiisa ayaa la aaminsiyay inay tahay nasiibka wacan ee sanadka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply