JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Ubadka la Siiyo Saliidda Kalluunka Waxa Kor u Kacda Awoodooda Aragga iyo Fahamka Akhriska..

Published: October 13, 2016, 11:01 pm

Cilmi-baadhis cusub oo lagu sameeyey cunista kalluunka, gaar ahaa maadooyinka ku jira ee Ekuwaasiin (Equazen), Omega 3 iyo Omega 6 faa’iidooyinkan u leeyihiin maskaxda, ayaa waxa soo baxday in ubadka la siiyo muddo saddex bilood ah ay kor u kacdo awooddooda aragga iyo wax akhriska, marka loo eego kuwa aan la siin.

Daraasaddan waxa ka soo baxday in ubadka la siiyo saliid badan oo kalluun ay awood u yeeshaan in ay si fiican wax u akhriyaan, fahamkooduna kor u kaco, xagga aragtidooduna noqoto mid aad u wanaagsan oo aan marna awoodeeda iska dhimin.

“Waa in waalidku isku dayaan in ay ubadkooda siiyaan saliidda kalluunka ee Omega 3 iyo Omega 6. Waxa aan u bahaananhay waalidiin badan, macallimiin iyo shaqaale caafimaad oo ogaada faa’iidada taxan ee saliidda kalluunka amma cuntada badda.” Sidaa waxa yidhi Dr. Alex Richardson oo ka tirsan Jaamacadda Oxford University ee dalka Ingiriiska oo daraasaddan ka qaybgalay.

Waxa uu intaa ku daray in cuntada baddu u fiican tahay carruurta, kana dhigto kuwo waxbarashada ku fiican oo maskaxdoodu awood u yeelato xifdinta iyo akhrinta wax badan oo kala duwan, aragtidooduna aanay marna diciifin.

Cilmi-baadhis hore ayaa dibadda u soo saartay In saliidaha kalluunka laga helo ee Omega 3 iyo Omega 6 ay ubaka aan akhriska ku wanaasnayn caawiyaan, kana dhigaan kuwo ku fiican wax akhrinta, gaar ahaan u fiican tahay marka ay u jiraan dugsiyada hoose ee aanay weynaan.

Daraasad kale oo ay samaysay xarun la yidhaa Gillberg Neuropsychiatry Center oo ka tirsan Jaamacadda Goteburg University ee dalka Sweden, ayaa baadhitaan ku samaysay ubad da’doodu u dhexayay 9 ilaa 10 jir muddo lix bilood ah, iyadoo eegaysay awooddooda iyo xirfaddooda akhriseed, waxana ubadkan la siiyey muddo saddex bilood ah saliid kalluun ah, halka kuwa kalena aan la siinayn, natiijada soo baxdayna waxay noqotay in carruurta saliidda kalluunka la siiyey aad ugaga wanaagsanadeen dhinaca akhriska kuwa aan la siin.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply