fb

Tarbiyeynta Ubadka Waxey Kasoo Bilaabataa doorashada Hooyada ‘Ninkii Wiilka Loo Dhalay Ee sheekha U Tagay’.

Published: June 19, 2014, 12:13 pm

Nin ayaa waxaa u Dhashay wiil, markaasuu u tagay Sheekh ka Fadwooda Arimaha Bulshada, markaas buu ku yiri:- Sheekhoow Wiil ayaa ii Dhashay, waxaana kaa Rabaa inaad ii Sheegtid qaabka aan u Tarbiyeen lahaa?,

Sheekhii ayaa ugu jawaabay Ninkii:- Waad soo Daahday Adeer, hadda ma aheyn inaad ii Timaato ee waxaa loo baahnaa inaad ii Timaadid Markaad Guursaneysay Wiilka Hooyadiisa, oo markaas ayey Biloow tahay Tarbiyada Caruurta.

(Haddaba, Sheekhu micnaha uu ka waday waxey aheyd Gabadha aad Guursaneysid ayaan kaala Talin lahaa Nooca ay tahay, waayo Hooyada waxey tahay un bey Ubadkana ku Tarbiyoobaan).

Haddaba, waxaa Muhiim ah in laga Fiirsado Guurka Gabadha aad Guursaneysid waa inaad ka Fiirsataa ma tahay Qof Wanaagsan oo ilaah ku Xiran, Gabadhana sidoo kale waa Muhiim iney ka Fiirsato Ninka ay Guursaneyso, sababtoo ah Guurka ma ahan ciyaar waa Mustaqbal, Mustaqbalkana wuxuu ku Wanaagsan yahay Inuu Kheer ku Saleysnaado.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW KHEERKA NA WAAFAJI)
W/Q Mohamed Abdullahi Ali


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply