JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Talaagad Awood U Leh Inay Garato Waxyaalaha Gudaha Ugu Jira Oo La soo Saaray..

Published: September 13, 2016, 1:27 pm

Shirkadda lagu magcaabo Liebherr ayaa soo saartay dhowaan talaagad awood u leh inay garato waxyaalaha gudaha ugu jira, sidoo kalena garan karta waxyaalaha ay waxaasi ka kooban yihin, waxaana talaagadaasi lagu magcaabaa Smart Device Box.

Talaagadan ayaa ah mid awood u leh inay garato waxyaalaha ku jira ,sidoo kalena waxay awood u lee dahay inay ku xusuusiso waxyaalaha ka maqan ee laga saaray,kana dhamaaday,kuwaas oo aad si fudud usoo iibsan karto.

Kooxo Engineers ah ayaa ku guulaysatay inay soo saaraan talaagadan oo ay sameeyaan,iyaga oo u isticmaalay waxyaalo Internet ka lagu xidhiidhinaayo iyo sidoo kalena Kamarado,waxaanay marwalba u baahanaysaa talaagadani inay ku xidhiidhsanaato khadka Internet ka  si ay shaqadeeda u qabsato.

Qalab loogu talo galay oo gudaha ugu xidhan Talaagadaasi ayaa ah ka awooda u siinaaya una saamaxaaya inay xusuusato waxa ka maqan,sidoo kalena awood u siinaaya inay garato waxyaalaha dhexyaala talaagadaasi.

Muqaalada iyo sawiradda waxyaalaha dhexyaala talaagada ayaa noqonaaya kuwo ay si otomaatik ah u seef garayso ama u kaydsato,waxaanad waxyaalahaasi kala socon kartaa Mobile kaaga iyo sidoo kalena Ipad kaaga.

Warbixin kooban oo lagu qoray wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in ay talaagadani sidoo kalena awood u lee dahay inay ogaato xiliga uu shaygani dhacaayo,iyada oo lagu diwaangelinaayo qayb loogu talo galay xiliga iyo taariikhda uu dhacaayo shaygaasi.

Shirkadda gacanta ku haysa samaynta Talaagadan oo laga lee yahay dalkaasi Jarmalka ayaa sheegtay in ay weli wadaan dhismaha qalabkaasi,waxaanay intaasi ku dareen inay doonayaan inay dhowaan soo daayaan,kadib markay tijaabiyaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.