fb

Sidee risqiga kugu barakoobaa? Sabab Haddii Aad La Imaatid Irzaaqada Aay Kuu Zaaideyso..

Published: November 7, 2016, 1:27 pm

Sidee risqiga kugu barakoobaa?

Waxaa laga yaabaa in aad aragto laba ruux oo isku mushaar ah midna kuma filno mushaarka uu qaato waa ku yaryahay,midna inta uu isku filneysiiyo ayuu meel wax ka dhigtaa,asaga oo bahkiiltinimo sameyneynin,qarashka ay labadooda qaataana waa isku mid.

Hadaba maxay tahay sababta?

Midna risqiqa ayaa ilaahey u barakeeyay midna barakada ayaa laga qaaday risqigiisa,taas waaye farqiga u dhaxeeya labadooda.

Risqiga in uu kuu barakoobo waxaa lagu helaa in ilaahey laga baqo mar walba danbigana la iska ilaaliyo.

Waxaa ugu muhiimsan oo risqiga in uu kuu barakoobo lagu helaa waxa waaye salaada subax oo maalin walba la tukado inta aysan qoraxdu soo bixin.

Hadaad u fiirsato dadka salaada subax ku dadaala ilaaliya waqtigeeda waa ka nolol fiicanyihiin dadka aan tukanin ama ilaalinin waqtigeeda,dhanka arsaaqada wax dhibaato ah kuma qabaan.

✍Mohamed Deeq


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply