fb

Sidee Ayey Ku Dhacday Arintani “Waa 90 jir, Muuqaalkiisuna Waa 50 sano”..

Published: October 20, 2016, 1:57 pm

Ninka sawirka ka muqqda ayaa la sheegay in da’diisu ay gaadhay 95 sano, laakiin wakhtigan u muuqda nin aan ka weynayn 50 sano. Waxaana la sheegay inuu ninkani sheegay in sababtu tahay isagoo ciyaaraa jicmsiga kala duwan isla markaana cuntooyinka uu qaato aad u xusha, aadna isaga ilaaliyo hilibka.

Ninkan Maraykanka ah oo lagu magacaabo Kazem Gurbuz, ayaa dhashay sanadkii 1920, isagoo sheegay in dadka oo dhami ay awood u leeyihiin inay gaadhaan da’dan. Waxaana uu sheegay in subaxa hore toosa, ka hor cadceeeda soo baxa, ka dibna soo dabaasha , iyadoo intaasi ka dibna uu qaato jimcsiyo kala duwan.

Waxaana uu sheegay in raashinka aanu haba yaraate qaadan cuntooyinka duxdu ku jirto sida hilibka laakiin uu isticmaalo khudrada kala duwan sidoo kale aanu badsan raashinka, hurdada iyo kulanka xaaskiisa.  ( Wargeyska Sharqal Awsad)

waa-90-jir


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply