JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Sheeko Xiiso Badan:- Muxuu Sameeyay Ninkii Safarka Ahaa ee La Kulmay Dadkii Saboolka Ahaa..

Published: December 16, 2016, 7:20 pm

Goor Maqribnimo ay tahay ayaa waxaa yimid Nin reer Miyi ah oo Sita tiro 50geel ah, Tuulo yar oo ay Deggen yihiin Dad aad Sabool u ah, Rabana iney Dhameystirtaan Masjid Qabyo ka ahaa, mudana Qarash loo la’aa.

Salaadii Maqrib markii la Tukaday oo Ninkii 50ka geela lahaana uu Tuuladii yareed kula Tukadey Ragii Magaalada daganaa, ayaa waxaa Makroofankii qabsadey oo Muxaadaro Cajiiba ka jeediyey Wadaad Tuulada Diinta Bari jiray, Hawlaha Masjidkana u Xilsaarnaa Walwalna ayku haysey sidii Masaajidka loo dhameeystiri lahaa ayaa wuxuu Qudbadiisii kusoo daray Qofkii Alle dartii wax ula baxa Alle wuu u Laba laabaa wixii uu Qofku bixiyey, wixii uu bixiyeyna Bedelkeed ayuu ugu kordhiyaa, (Hadaad 5 la baxdo Alle 10 buu kaaga dhigaa, 1000 hadaad bixiso 2000 buu kaaga dhigaa),

Ninkii 50ka geela watey oo ahaa Nin Iimaankiisu iska fiican yahay ayaa waxaa galay Damac ah Kaalay 50kaan geela ee aad wadato maad Masjidka siisid haku dhistaan iyaga, Adigana Rabbi wuu kuu Labo laabi doonaa, wuxuu Alle kaaga dhigi doonaa 50kaan Geela 100 Geel.

Ninkii baa Hadalay oo yiri:- Masjidka Alle waxaan siiyey Alle dartii 50kaan Geel ee aan wato, Wada qaata rabi baa ii Laba laabi doonaa.

Ninkii oo fara maran ayaa Tuuladii isaga soo Safray. Markii uu xalay ku Waabiriistey Isagoo sita, Qaalin Geela oo Raashin iyo Caanaba looga soo buuxiyey iyo Hilbo bisil baa Tuuladii laga soo Samato bixiyey oo halkiisii socodkiisii kasii amba qaaday.

Ninkii wuxuu mudo ilaah sugaba oo Subaxba Subax uu ku soo tooso Alle ayaa irida kaaga soo gelin doonaa 100kii geela ee aadka sugeeysay, Allena Balantiisu ma Baaqato.

Waxaa dhacdey Ninkii wax uu helo iska Dhaafee inuuba ku sii Xanuunsaday Xoolo la’aantii ayaa Macluul soo Food saartay,

Wuxuu Ninkii muddo sidaa ku jiro Fakhri iyo Gaajo iyo jirro ayaa waxaa maalin soo Booqday Wadaadkii Masjidkii waagii uu xoolaha sitay ka Qudbeeynayey, Sheeko dheer ka dib Ninkii iyo wadaadkii markii ay Cabaar wada Fadhiyeen oo halkaa Wacdi iyo Alle ka Cabsi la iskula Dardaarmsy iyo in dhibaatada aduunka loo Sabro Balan qaadka Eebena uusan sinaba ku Baaqan doonin, Ninkii Geela dhiibay Niyadiisii aad ayey ugu degtay Wacdiga Sheekha.

Shiikhii oo aan Ninkii waxba u taagin baa Albaabka ka degay oo Tuuladiisii isaga laabtay
Ninkii Xanuunsanaa ee Xoola la’aanta ku dhacdayna Isagoo Calool xumaan oo aan Wadaadkii ku Dul barooran ayuu Jiradiisii iyo Baahidiisii isaga Samray.

Muddo waxay sidaa ahaataba, Ninkii Wadaadka ahaa ayaa wuxuu Qudbad Cajiib ah ka Jeediyey Masjidkii oo si fiican loo dhisay, aadna Gudihiisii loo Camiray, ayaa wuxuu ka War bixiyey Ninkii Masjidka dhisay Xaaladii sideey ahayd, iyo Dhibaatadii ka Muuqatay. Isagoo Sheekhu ku yiri Dadkii Deegaanka:- Boqolka Reer ee Tuulada daganoow Maanta Ninkaa wax hala taro oo hala Caawiyo, Reer kastana ha keenaan Min Hal Neef Geel ah si Ninkii loogu Caawiyo, Qof kastana wey ka go’daa inuu Hal Geela bixiyo.

Ninkii Jiranaa oo ahaa nin rabigiisa yaqaano Imtixaanka Allaahna aaminsan ayaa Subaxdaan isagoo aan Waxba fileynin arkay Geel aad u tira badan oo Hareeraha Gurigiisa Wada Daaqaya.

Ninkii wuxuu kala garan waayey waxani iney Run yihiin iyo iney Riyoyihiin, ileyn ma arko Cid Hogaamineysa Xoolahaasi, Markii dambe buu arkay Wadaadkii Masjidka iyo Akhyaartii uu Maalintii Masjidkii kusoo bartay, Markiiba intuu farxad celin waayey ku yiri:- Maasha Allaah Alle Boqolkii Geela ma idinkuu iigu kiin soo dhiibay?
Alle ilaahayoow Run badnidaa Alxamdulilaah.

Xanuunkii hayey baa intii Ninkii laga Dul qaaday 100kii Geela ee uu Alle ka Sugaayeyna, Alle wuu siiyey, Nolol Cusubna uu Halkiisii uga Bilaabantay.

(Weligaa Haka Quusan Naxriista Rabbi).

(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply