JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Sheeko Gaaban Oo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Kuna Saabsan Tallo Waayeel!!

Published: October 19, 2016, 4:13 pm

Oday waayeel ah ayaa maalin arkay wiil dhallinyaro ah oo saaxiibkii kula baryootamaya in aanu cidla kaga dhaqaaqin. Odaygii ayaa wiilkii inta uu garabka soo qabtay u sheegay hadallo xanbaarsan tusaaleyaal iyo waanooyin dahabi ah.

Waxa uu yidhi; “Adeer haddii uu mid wax iibinayaa gacanta ku soo qabto si aad wax uga iibsato, markaba waxa aad aaminaysaa in aanay alaabtiisu fiicnayn oo waad iskaga tagaysaa, si aad u raadsato mid ka wanaagsan. Sidaas oo kale ayaa ay dadkuna ku yihiin nolosheenna.

Haddii aad qof u sheegto in aanu kaa tagin oo uu garabkaaga taagnaado, una baahantahay, waxa uu dareemayaa in uu dunida ka heli doono qof kale oo kaa mudan. Wuuna kaa tagayaa si uu qofkaas kale u soo raadsado.”

W/Q: Dalxa Sofe.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply