JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Sheeko Gaaban:- Haddii Aad La Kulantid Dhibaato Aad U Tan Weyn, Ha Quusan illaa Intaa Awoodo Ka Qabo.

Published: December 10, 2016, 1:49 pm

Sameynta Is-bedel

Nin Xeebta ku lugeynaya ayaa wuxuu arkay nin kale oo badda wax ku tuuraya, markuu ku dhowaaday ayuu weydiiyay wuxuu sameynayo. “Sidaa aragto, waxaa xeebta ka buuxa oo mowjadda keentay Starfish (Kalluun qaab xiddigeed leh) haddii aanan badda ku celin waxay u dhimanayaan oxygen la’aan.”

Ninki kale ayaa isagoo yaaban ku yiri, “Miyaadan arkeyn kumanaan xabo ayaa xeebta yaacsan, hadaad marba hal xabo tuurto, maxay farqi ah oo sameynaysaa?”

Ninki ayaa mid ka mid ah soo qabtay, isagoo badda ku sii tuuraya ayuu ugu jawaabay, “Kan ayay farqi u sameynaysaa!”

Dad badan waxaa la weynaada baaxadda dhibaatada iyagoo haddii aysan wada xallin karin ka quusta una arka wax farqi ah inaysan sameynayn. Waxayna ka joogsadaan in ay wax is bedel ah sameeyaan. Haddii qofku bedeli karo 1% (boqolkiiba hal), oo ah waxa ugu yar, waa inuu sameeyaa sababtoo ah sidaa ayaa farqi sameynaysa.

Marnaba ha yareysan naftaada. Xusuusnow, haddii aadan jiri lahayn qof ayaa noloshiisa aysan kaamil noqoteen. Waxaad bedeli kartaa wax badan, hal tallaabo horumar ah oo aad horay u qaado ayaa farqi weyn u sameyn karta naftaada iyo naf kale.

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply