JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

SAWIRRO:- Taariikh Nololeedka Jilaaga Caanka Ah Om Puri Oo Maanta Mumbai Ku Geeriyooday..

Published: January 6, 2017, 10:19 am

Jilaaga caanka ah ee door walbo sameyn karo ayaa la xaqiijiyay inuu magaalada Mumbai ku geeriyooday xili uu wadno xanuun daran asiibay.

Om Puri ayaa la sheegay inuu xalay shaqo filim duubis ka imaaday sidoo kalena kaligiis guriga seexday balse subaxdii marka wax dhaqaaq ah laga waayay kadib markii darawalkiisa oo ay balan sanaayeen gambaleelka looga jawaabi waayay.

Markaas ayuu darawalkiisa dadka isugu wacay hadii gudaha guriga loo galayna waxaa la arkay Om Puri uu meed ah sidaasna waxaa lagu xaqiijiyay geeridiisa.

Om Puri geeridiisa waxaa barta Twitter-ka ku xaqiijiyay filim sameeye Ashoke Pandit oo ay saaxiibo dhow ahaayeen wuxuuna soo qoray “Aadban u murugeesanahay una naxsanahay inaan ogaaday jilaaga ruug cadaaga ah Om Puri inuu geeriyooday kadib markii wadno xanuun asiibay subaxdaan”

Hadaba taariikh nololeedka Om Puri wixii laga qoray intii uu noolaa jilaagaan hoos kaga bogo:

Om Puri Iyo Bilawgii Noloshiisii Marxaladaha Ay Soo Martay:

Om Puri wuxuu ku dhashay xaafada Ambala ee Haryana ka tirsan kuna taalo Waqooyiga Hindiya wuxuuna kasoo jeedaa qoys Punjabi ah wuxuuna dhashay 18 October 1950.

Om Puri aabihiis wuxuu ka shaqeen jiray xarun boosteejada tareenka sidoo kalena ciimada Hindiya ayuu ka tirsanaa waxaana u suura gashay inuu waxbarasho fiican helo yaraantiisii.

Om Puri wuxuu kasoo qalan jabiyay machadka filim jilista lagu barto Film and Television Institute of India ee magaalada Pune ku yaalo, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa ardaydii wax ka baratay dugsiga fanka iyo suugaanka Hindiya lagu baran jiray (National School of Drama) sanadii 1973 waxayna isku fasal ahaan jireen saaxiibkiis Naseeruddin Shah oo haatan Bollywood-ka ka tirsan.

Om Puri Iyo Waayihii Fanka Hindiya Sida Uu Ku Bilaawday:

Madaama Om Puri uu ahaa qof u diyaarsan filim jilista sidoo kalena aqoonteeda leh waxaa u suura gashay in sanadii 1976 uu sameeyo filimkiisii kowaad Ghashiram Kotwal waana filim shirkada Marathi sameesay wuxuuna ahaa mashruuc uu aqoonsi ku helay inkastoo Om sheegay in filimkan lagu siiya lacago aad u yar oo digir kaliya goyso!

Om Puri bilawgiisii fanka Bollywood-ka wuxuu ku caan baxay abaal marino ka helay sameynta filimada loo yaqaan “Art Films” oo ah filim aan hab ganacsi loo sameynin laakiin fariin waaqici ah xaambarsan.

Filimada Arts-ka ee Om Puri magaca ku helay waxaa ka mid ahaayeen  Bhavni Bhavai (1980), Sadgati (1981), Ardh Satya (1982), Mirch Masala (1986) and Dharavi (1992), inta badana filimadaas waxay isla sameeyeen jilaayaasha kala ah  Amrish Puri, Naseeruddin Shah, Shabana Azmi iyo Smita Patil.

Image result for om puri young

Inaba caadi ma ahan sida Om Puri loogu amanay filimada qaar ee waligiis lagu xasuusan doono waxaana ka mid ah Aakrosh (1980), Disco Dancer (1982); Ardh Satya (1982),  Maachis (1996), Gupt (1997), Dhoop (2003) iyo kuwo kale.

Om Puri sanadii 1982 filimkiisii Ardh Satya wuxuu ku qaatay abaal marinta National Film Award for Best Actor waana mid ka mid ah filimadiisa ugu fariinta wanaagsan ee mar walbo lagu xasuusan doono.

Sanadii 1999 Puri wuxuu jilay filim shirkada Kannada iska leedahay Koonfur Hindiya ee lagu magacaabo A.K. 47 wuxuuna ku matala boolis madax adag sharcigana ku adag wuxuuna filimkaan noqday Hit weyn sidoo kalena qaab jiliinkiisii mid aad looga helay ayuu noqday.

Puri sidoo kale wuxuu jilay sanadii 1999 filimka East Is East oo British ah wuxuuna noqday filim siweyn suuqyada caalamka kaga gadmay sidoo kalena Om Puri aqoonsi caalami ah ku helay.

Puri sidoo kale wuxuu muuqaal marti ah ku yeeshay filimkii weynaa Gandhi sanadii 1982 ee uu sameeyay Richard Attenborough waxaana looga hadlaayay nolosha hagamaaga Hindiya ku weyn Gandhi.

Om Puri wuxuu caan ku ahaa sameynta filimo badan oo Bollywood ah sidoo kalena jilaagaan door walbo ayuu sameen jiray sidoo kalena filim walbo ee uu kasoo muuqdo saameyn ayuu ku lahaan jiray hadii doorkiisa yar yahay ama weyn yahay.

Image result for om puri best movies

Wuxuu caan kusii noqday sameynta filimada British-ka ah  My Son the Fanatic (1997), East Is East (1999) and The Parole Officer (2001) iyo sidoo kale filimada Hollywood-ka ah.

Om Puri mashruucyada Hollywood-ka uu sameeyay waxaa ka mid ah  City of Joy (1992) oo uu la jilay Patrick Swayze; Wolf (1994) oo uu la sameeyay Jack Nicholson; The Ghost and the Darkness (1996) oo uu la jilay Val Kilmer.

Sidoo kale sanadii 2007, Om wuxuu kasoo muuqday filimka War oo uu kala soo muuqday xidigaha kala ah Tom Hanks iyo Julia Roberts.

Om Puri waxaa intaas u dheereed inuu shaqo ka qabtay dhanka TV-yada asigoo kasoo muuqday filimada musal salka ah Kakkaji Kaheen (1988), Mr. Yogi (1989), Tamas (1987) iyo kale.

Image result for om puri best movies

Om Puri doorkiisa shactiro wuxuu siweyn ugu muujiyay inuu majaaliste laga daba dhacay yahay filimada qaar ee Bollywood ah sida Jaane Bhi Do Yaaro (1983), Chachi 420 (1997), Hera Pheri (2000), Chor Machaye Shor (2002) iyo Malamaal Weekly (2006).

Om Puri filimadiisii ugu dambeeyay ee muuqaal ahaan lagu arkay waxaa ka mid ahaa Ghayal Once Again ee Sunny Deol hogaamiyaha ka ahaa lana daawaday sanadkii h–e iyo filimo kale.

Om Puri Iyo Noloshiisa Gaarka Ah:

Puri wuxuu guursaday gabadha lagu magacaabo  Nandita Puri sanadii 1983 wuxuuna ifka kaga tagay wiil lagu magacaabo Ishaan.

Om Puri iyo xaaskiisa  Nandita Puri waxay kala tageen sanadii 2013 ayadoo maxkamada go’aamisay inay labo meel ku kala noolaadaan madaama ay arimo badan isku fahmaayeen qilaafkoodiina sii xoogeestay.

Image result for om puri son

Om Puri marka uu geeriyooniyay kaligiis ayuu daganaa xaafada Andheri ee ku taalo duleedka magaalada Mumbai madaama qoyskiisii waa h–e kala tageen.

Murankii Uu Dhexda Ka Galay Xili Uu Ciidanka Hindiya Wax Ka Sheegay:

Puri oo ahaa nin hadal adag ayaa bishii October 2016 wareysii siiyay IBN-7 TV, wuxuuna Puri ka weerar ku qaaday ciidamada Hindiya asigoo ku tilmaamay in shaqadooda ay tahay inay xuduuda joogaana amaanka dalkana sugaan balse aysan arimo aan loo baahneyn soo fara galinin!

Image result for om puri receiving awards

Puri hadalkiisii waxaa loo arkay mid meel kaga dhacay sharafka ciidanka Hindiya wuxuuna hadalkiisa kusoo aaday xili weerar lagu qaada ciidamada Hindiya joogaan Kashmir iyo xuduuda Pakistan iyo Hindiya u dhaxeyo, madaama Pm hadalkiisa loo fasirtay in ciidamada xaq u laheyn inay reerkooda la nooladaan balse ay xabada ku sugtaan xuduuda.

Puri oo dhaliil badan saxaafada Hindiya kala kulmay ayaa markii dambe hadalkii kasoo yeeray raali galin ka bixiyay sidoo kalena sheegay in hadalkiisii si qaldan loo fasirtay.

Abaal Marinada Uu Om Puri Ku Guuleesatay:

Puri wuxuu ku guuleestay abal marino fara badan balse maqaam ahaan wuxuu helay bilada 4-aad ee ugu sareyso darajo ahaan ee muwaadinka Hindiga ah la siiyo loona yaqaan Padmas Shri sidoo kalena boqortooyada Ingiriiska waxay siisay bilada caalamiga ah OBE madaama uu wax weyn ka geestay fanka Britian saameyn ahaan.

Image result for om puri receiving awards

1981: Filmfare Best Supporting Actor Award for Aakrosh

1982: National Film Award for Best Actor for Arohan

1984: National Film Award for Best Actor for Ardh Satya

1984: Karlovy Vary International Film Festival Best Actor for Ardh Satya

1998: Brussels International Film Festival Best Actor for My Son the Fanatic

1990: Padmashri, India’s fourth highest civilian award

1998: Grand Prix Special des Amériques Montréal World Film Festival for exceptional contribution to the cinematographic art

2004: Honorary Officer of the Order of the British Empire for services to The British Film Industry

2009: Filmfare Lifetime Achievement Award

2015: Lifetime Achievement Award International Film Festival of Prayag

Geeridii Ku Timid Om Puri:

Puri wuxuu geeriyooday asigoo 66-jir ah wuxuuna ku geeriyooday gurigiisa uu ka dagan yahay xaafada Andheri ee ku taalo duleedka magaalada Mumbai kadib markii wadno xaruur daran uu asiibay.

Qofka mid ah qoyskiisa ayaa BBC-da u sheegay in Puri la arkay asigoo meed ah sidoo kalena sariirtiisa iska jiifo, filim sameeye Ashok Pandit oo saaxiib dhow la ahaa Puri ayaa sidoo kale barta Twitter-ka ku cadeeyay geerida Om Puri.

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga,

Dhamaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply