fb

Sagaal-kaan Qodob ee Soo Socda Haddii aad Isku Aragto Ogoow Waxaa Tahay Nin Guur-doona ah!!!

Published: September 12, 2016, 2:00 pm

Aqristow Qodobada soo socda hadii aad isku aragto Ogaaw waxaa tahay nin Guur-doon ah ee Beegso halka kugu dhaw aad ka heleyso Qaalidii nolosha macaanteeda kula wadaagi laheyd taaso aad iska dukaashataan nolosha kali’nimada ah ee dhalinyaradeena soomaaliyeeda Rag iyo Dumarba deriska la noqotay.

Hadaba qodobada lagu dareemi karo ninka raga inu guur doon yahay ama uu daan daansi bilaaw yahay waa kuwan ee bal inala arka waxaan aqristayaaha ka codsaneyna inkasta oo wax kastaahi hadal iyo tilmaam lagu soo koobi Karin in ay ayagana figkirkooda ka dhiibtaan.

Qodobadaasi oo kala ah :-

1- Ogaaw haddii aad isku aragto Ilowsho badan iyo Mashquul aan dhamaan waxaa u baahantahay Guur

2- Ogaaw haddii aana lahayn Saaxiib islamarkaana tahay nin xilli waliba careysan Ogaaw in daawadaada ay tahay Guur ama qoftii nolosha saaxiib kugula noqon laheyd.

3- Ma ogtahay in Ruuxa guur doonka ah uu inta badan ka fogaado goobaha Bulshada iyo meelaha lagu qaxweeyo waayo dareenkiisa ayaa mar waliba sareeya mana awoodo inuu la noolado Dhigiisa ama uu isku mashquuliyo waxa ay bulshada kali ku mashqulsan tahay ileen waa nin ay meelu u cadahee.

4- Aqristow haddii aad tahay nin ama naag Iskaabulo ah waxaa kugu jira dareen Ogaaw inad tahay mar waliba Ruux aan fadhin karin adiga oo tabaaya inad hesho Zowj ama Zowjo xalaal ku ah oo aad nolosha macaanteeda la qaadato cidladana aad ka weheshato.

5-  Ma ogtahay in mar waliba aad tahay Ruux la dagaala dadka oo idil isaga oo aan wax laga sameyn waana astaan inta badan dhaqaatiirta ay ku daweyso Guurka xalaasha ah taaso markii qofka meel kasta ay ka baaran marka dambe ay kula tiliyaan in uu guursado si noloshisa wax ay iskaga bedelaan.

6- Ogaaw dadku kuguma ahan cadow balse waxaa tahay ruux qaan-gaar ah waxaana u baahantahay Guur, taasoo daawo u ah Xanuunka ku haayo waana Cudur inta badan ku habsada dadka Aadanaha ah markii laga reebo xaaslaha

7-  Haddii aad la kulanto Xanuun joogta ah, isla hadal badan, fakir badan, Mashquul aan dhamaan adiga oo aan garaneynin halka aad ka fakareyso Ogaaw daawadaada waa mid muuqata ee is-garo intaana lagu garan adiga.

8-  Dadka hadii aad mar waliba ka fogaato adiga oo u arkaaya inay yihiin kuwa kula dagaalsan xaaladu sidaa mahan ee waxaa u baahantahay inad dajiso jirka iyo maskaxda waxaana ku haaya Jiro u baahan nasitaan iyo qof aad nolosha u jeceshahay oo sariirta si degan wax kugu sheega.

9-Ugu dambeyn hadii aad aragto adiga oo daal badan jirkuna ku danqanaayo meesha lagaa jiro aadan garaneynin isku day inad hesho Gabar ku dhiganta oo aad isla meel dhigtaa Guur xalaal ah .


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.