fb

Sabirka Ayaa Ah Furaha Guusha! Labo Qiso Oo Aanu Ka Baraneyno Samirka…

Published: November 20, 2016, 11:43 pm

Saxaabiga Curwa Binu Subayr waxa laga jaray lugta xanuun ku dhacay dartiis isla maalintii laga jaray ayay caruurtiisu dhinteen ka dib markii uu Faras haraatiyay.

Waxaana uu yidhi “ Allahayow adigaa mahda leh, Adiga ayaa jira adiga ayaana xagaaga loo soo noqonaya waxaad I siisay wiilal waana aad iga qaaday, waxaad I siisya afar waaxood waxaadna iga qaaday mid, waxaan kaa baryaya inaad Janada nagu kulmiso.

Maalin kale waxa soo galay Majliska Curwa oday da’ oo indha beelay, waxaana lagu yidhi Curwa dhegayso odaygan warakiisa?  Odayga ayaa ku yidhi “ Waxaan deganayn meel doox ah , habeenimo ayaa daad soo rogmaday wuu qaaday xoolahaygii  iyo ubadkaygii, waxa keliya ee iiga hadhay wuxu ahaa wiil iyo Awr, awrkii wuu iga baxsaday wiilkiina waxa iga cunay Waraabe.

Curwa ayaa ku yidhi “ Markaa Maxaad tidhi ?” Waxaan idhdi “ Waxa mahad leh Allaha isiiyay qalbi iiman ka buuxo iyo carab mahad naqaya “?  Waa kuwaasi dadkii dhibaatooyinka adag ku sabray ?


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply