JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Sababta Dadka Ladani Ay Iskaga Indho Tiraan Masaakiinta Hareerahooda Ku Gaajoonaysa..

Published: November 2, 2016, 12:46 pm

Xeeldheereyaasha cilminafsiga ayaa helay caddaymo dheeraad ah oo muujinaya in dadka dhaqaale ahaan ladan ama maalqabeenka ahi aanay inta badan dan ka gelin dadka hareerahooda jooga, gaar ahaan marka ciddani tahay masaakiin aan heerkooda gaadhsiisnayn.

Cilmibaadhista ay xeeldheerayaashani sameeyeen waxa ay daaha ka rogtay in dadka ladani ay aalaaba inshaha ka laliyaan dadka fuqarada ah ee ku hareeraysan.   Pia Dietz oo ka tirsan jaamacadda New York, cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyeyna hoggaaminayey ayaa sheegay, “Waxa aanu natiijadan ku ogaannay cilmibaadhiso tijaabadooda lo oadeegsaday internet ka iyo shaybaadhada”

Arrinta xiisaha leh ee ay cilmibaadhayaashani ogaadeen ma’aha in dadka maalqabeenka ahi indhaha ka laliyaan dadka masaakiinta ah oo keliya, balse waxa ay daraasaddu ku doodaysaa in sababta ay maalqabeenku sidan u yeelayaan ay sidoo kale tahay, arrintan oo caado iyo dhaqan ku beeran ruuxa maalqabeenka ah oo ku kacaya xitaa isaga oo aan ugu talogelin. Daraasaddu waxa ay sheegtay in sideedaba dadka caadiga ahi ay muhiimad dheeraad ah oo ka duwan tan maalqabeenka siiyaan waxyaabaha ku xeeran faa’iido iyo faa’ido darro tu kastaba ha lahaadaan ee.

Tijaabooyin ay muddo sameynayeen daraasaddan ayaa tilmaamaya in dadka dabaqadda ladan ama maalqabeenka ah ka soo jeedaa aanay u dhugmo lahayn eegista iyo waqti gelinta u fiirsiga waxyaabaha ku xeeran oo dadka baahani ugu weyn yihiin. Marka la barbar dhigo dadka hayntoodu hoosayso oo inta badan ka war haya waxa hareerahooda ka jira oo dhan,  oo ay masaakiintuna ku jirto.

Warkan uu Kobciye.com turjumay oo ay faafisay majaladda Science Allert waxa uu intaas ku darayaa in natiijada ah in dadka ladani aanay arrintan badheedh u samaynayn ay u baahan tahay in baadhitaanno dheeraad ah lagu sameeyo si loo sii xaqiijiyo in ay ula kac masaakiinta isaga indho tiraan iyo in ay iska abuur uun tahay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply