JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Raggoo Idil Kalsooni Kuma Qabo Waayo Waxaa Isoo Martay Qisadaan Xanuunka Badan ‘Suaashii Gabadha Iyo Jawaabtii Sheekha’.

Published: September 25, 2016, 4:00 pm

Sheekh Idiris oo ah sheekh wakhti badan siiyay ka jawaabida qisooyinka aay ka dhasheen suaalaha arimaha bulshada ayaa maantana idiin wadnaa suaal cajiib ah oo aay soo weydiisay gabadh soomaaliyeed iyo jawaabtii sheekha

KALSOONI KUMA QABO!
————————————
Gabadhaan Walaasheena Qisadeeda waxaan u bixiyey: (Kalsooni Kuma Qabo) Waayo wexey sheegtay dadoo dhan – gaar ahaan ina rag – inaaney kalsooniba ku qabin, bal aan eegno waxa sababay:
—————————————————————
Wexey Tiri:

Asc sheekh, Ilaahey haku xafidee talo ayaan kaa rabaa, shiikh ani anigo aad u yar ayaan wiil jeclaaday Waxaana jeclaa mudo shan sano ah, Alxamdulilaah Ilaahey igama dhigin midkaan calfan lahaa, lkn qalbi jabkaas igu dhacay hal Cudur ayaan kaqaaday, cudurkaaso ah in ay kalsoonida oo dhan iga dhunto, qof bani aadan ah maanta qalbigeyga kama dhadhaceyso run buu shegaya, siiba raga ha udarnadeene.

Marka hada wiil kale ayaan wada socona, waxuuna rabaa Guur, ana Qalbigeyga kuma faraxsana, oo waayo qofkaad nolosha lawadageyso, waa inaad ku faraxsanata, calal aqal maqsuudna ku ahaata, haba jeclaanin hadaa doonte, marka aniga intasba midkood mahi oo Waxa ii sawiran waxkale.

Marka hadaan iraahdo walalow aniga kuguma faraxsani ee allah macaak, ma danbi iga so gaaraaya, ileen Aniga maqiyaamin marki aan bartayna qisadeyda oo dhan wa u sheegay waxba kama qarin.

Shiikh talo isii Ilaahey haku xafidee ma danbi iga soo gaaraaya Hadii aan sidaa iraahdo?
———————————————————————-
Jawaabtii sheekh Idirs
==================
Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa khayrka hana waafajiyo, Adigana Qalbigaaga Allaha Dejiyo, Kalsoonidana kuu soo celiyo, Aduunyadu ma wada xuma Adeer, Dadkuna bahala ma wada noqon sida hadda kuu sawirantay, markaad jacaylkaagii u horreeyey ku fashilantay.. Fashilka Adeer lama ag fariisto cudurna layskagama dhigo, sidii aduunyadu ay halkaas ku dhamaatay, ee waxbaa laga bartaa, wixii kaa qaldanaa ayaa la saxaa, si kale oo cusub ayaa caqabadaha looga hor tagaa..

Waxaanan fahmin Adeer adigoo yar sida aad sheegtay, jacaylka shan sano socdey, haddana aan guur la isla soo qaadin, ama wadadiisa la marin, ama reerkaaga wiilku u tegin.. Waxaan la yaabaa dhalinyarta qaarkood oo dadkey wax ku qarsan lahaayeen wax ka qarsada.. wax badan ayaan dhalin yarta gabdho iyo wiilalba kala taliyaa, guur aan reerkaagu kula ogayn, kulana ogolaan iyo is barasho iyo heshiis laba dhalin keligood ku gaara, waa Aqalo hawada laga dhisayo!!

Xiriirka dhalinyartu isku qancid iyo is barasho aan khalwa lahayn waa inaanu dhaafin, inta aan laysku dhex yaacinna, waa in guurka laga sharciyeeyo Ehelka, haduu hagaago sidaa lagu socdo, haduu hagaagi waayana, salaantaas aanu dhaafin ee halkaa ku ekaado, waayo wiilkaanna gabadhii u qornayd ayaa meel ku sugeysa, gabadhaanna ninkii calfan lahaa ayaa meel shaaha ku cabbaya oo in laga carsha carsheeyo, isna ma ogola, iyana raalli kama noqon karto..

Adeer Waxaad ogaataa hadii wiil guur kaaga baxay, adiguba qaladka waxbaad ku lahayd, khibrad ayeyna kuu noqotay inaadan mar kale waxba is raacsiin intaadan hubsan, Calafkaaguna wuu qoran yahay, ee haka deg degin, wiilkan hadda aad xiriirka u jareysana wexey u egtahay cuqdadii hore ee kugu jirtey ayaad uga aar gudaneysaa keliya, ee go’aan cilmi ku dhisan maaha, waayo ma aadan sheegin sabab weyn, xagga diintiisa ama akhlaaqdiisa, sidaa darteed goyntaas laftigeeda ka fiirso, haduu ninku wax diin iyo dhaqan lagu diido leeyahayna diid, hadii uu diin iyo akhlaaq leeyahayna hasoo maro wadada saxda ah ee inuu reerkaaga u tago oo kaa soo doono, hadii aanu ku jirin, banaanka markaa ka mar..

Guud ahaanna Adeer Qalbiga Allaha abuurtay keliya garashadiisa iyo aqoontiisa iyo xuskiisa ayuu ku farxaa, kuna degaa, ee Rabbi Qalbigaaga ku xir, Taladana Saaro, Calafkana Ha ka deg degin, xiriirka wiilasha aad ku dheeraaneysana Hobby yuu kuu noqon, waa mindi laba afleh, ka digtoonow, ninka aad u qorantahay berri ayaad arki doontaa isagoo iridka weyn ee gurigiina soo garaacaya Insha Allah, Ookiyaalaha madow ee adduunka aad ku eegeysana iska bixi,

waxaad arki doontaa dunida dad wanaagsan ee lagu kalsoonaan karo rag iyo dumar iney buuxaan, laakiin sidaad u dooran lahayd baro, adduunyadu sidaad ku qaabishu ayey kugula dhaqantaa, hadaad niyad xiran oo ciriiriya ku eegto, cariiri ayey kugu noqon, hadaad laab waasica ku eegtana albaaba badan oo kuu furma ayaad arkeysaa, waa kan Ilaahay yiri aayadda macneheedu yahay: (Dhulka Ilaahay Ma waanu waasac ahayn oo aad martaan).. Wabillaahi Tawfiiq..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.