fb

Qormadii Koowaad Maxey La Kulmeen Dumarkii go’aansaday inay shuruud la’aan guursadaan Qalinkii Sh Axmed C/Samad.

Published: September 1, 2016, 10:00 pm

Nin magaalo kale ka yimid ayaa noo sheegay in dumar garoobo ah ay ka shireen arrinta guurka, waxayna ka eegeen dhinacyo badan. Wuxuu yiri: gabar ka mid ah ayaa tiri sidii aynu nin walba shuruud ugu xirayney ama u diidayney ayaa gabdheheenii inamo waaweyn noqdeen, dhawaana suuqa ayaynu ka baxayaan haddaynaan is daba waban.

Arrintii wax la rogrogaba waxaa la go’aamiyey:

1. In gabar walba sida ugu dhaqsaha badan u guursato oo iyadu nin doonato.

2. In ninkii u yimaada aan shuruud lugu xirin ee hadday dantu keento ay darin kula seexato.

3. In aan ninka loo eegin xaas buu leeyahay iyo in kale ama xoolo iyo xoolo la’aan ee ujeeddadu noqoto in aan helno nin iyo ilmo.

Wuxuu yiri markii ay go’aankaas gaareen toddobaadkii ugu horreeyey siddeed ka mid ah ayaa aroosay.

Waxaan is iri sababta ugu weyn ee gabdhahaan guursiga degdega ah iyo inay sahlaan ku bixisay waa in aysan ka cabsan dadka afkooda ee ay dantooda ka fakareen iyo inay is dhiirrigaliyeen, isuna garaabayaan oo aanay isku diganayn ama is foorjaynayn.

Dhinac kale markii aan kaa tuso gabadha weyn ee garoobka ah ee arrinta nafteeda wax laga weydiinayo hadday iska horwareejiso caqabadaha shaydaan ee aan sharcigu dajin oo ay si diinta waafaqsan u guursato ma eed baa mise waa ammaan?.

Tan kale gabadha da’ahaan iyo garaad ahaanba uga yar ee diinta ku tumatay oo is meher xaday ayaa mudan in loo noxo oo la samatabixiyo ee qoftaani hambalyo, bogaadin, duco iyo in mowqifkeeda lugu taageero ayay mudantahay.

Gabagabadii gabdhahaasi waddo toosan bay mareen, ku dayasho ayayna mudanyihiin ee gabdhow idinkuna haka gaabinina.

W/Q  Sh. Axmed Cabdisamad


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply