JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qori Wax Ka Dili Kara Masaafo Dhan Ilaa 4 KM Oo Markii Ugu Horeysay La soo Saaray…

Published: October 22, 2016, 2:02 pm

Shirkad kuwa gaarka loo lee yahay ee dalkaasi Ruushka ka mid ah ayaa soo saartay qori aan noociisa oo kale cidi hore u samayn, kaas oo meel fog wax ka dili kara ,waxaana qorigan wax lagaga dili karaa masaafo dhana ilaa 4km.

Qorigan ayaa ah nooca loo yaqaano Sniper Rifle ,kaas oo aan wax sanqadh ah lahayn, sidoo kalena la awoodo in lagu xidhi karo dhuumo kala duwan oo masaafadiisa dilka aad u fogayn kara.

Shirkadan oo lagu magcaabo Kaluga ayaa soo bandhigtay qorigaasi noociisii ugu horeeyey ,iyada oo qaar kamid ah si rasmi ah ugu wareejiysay wasaaradda difaaca ee dalkaasi Ruushka, sida uu sheegay  Vladislav oo ah madaxa shirkadaasi Lobaev Arms.

Madaxa shirkadaasi oo u waramaayey wargeyska Russian Times  oo uu qormadani kazoo xigtay wargeyska kobciye.com ayaa sheegay in ay qaban qaabada samaynta qorigan iyo sidoo kalena qaabayntiisaba bilaabeen 19 October ee sannadkii hore , iyaga oo isla maalintii maalinteedii oo ahayd 19 October ee sannadkan 2016 ka soo saaray qaybihii ugu horeeyey oo la tijaabiyey.

Shirkaddan ayaa hore u samaysay qori kan ka horeeyey oo isagu awood u lahaa inuu wax ka dilo masaafo dhan 3400 oo meter, waxaanu noqday kani mid ka duwan kaasi hore madaama oo aanay isku mid ahayn masaafada wax lagaga dili karo iyo sidoo kalena dhanka Culayska .

Waxa kale oo ay shirkaddu wadaa qoryo kale oo iyagana wax lagaga bur burin karo masaafo dhana ilaa 4200 oo Meters , kuwaas oo an nooc iyagu kuwan aad uga waaweyn aadna uga duwan ,iyaga oo noqon kara kuwo la fur furi karo marka loo baahdona la xidh xidhi karo.

Khubarada ciidamada Ruushka ayaa aad u soo dhoweeyey ,iyaga oo sheegay in uu qorigani yahay mid aad u yaab badan , madaama oo uu gaadhaayo masaafo fogna uu faa’ido badan u lee yahay ciidamada, waxaanay soo in laga ilaaliyo inuu gacmaha u galo dadka shacabka ah.

Hubka ay inta badan ciidamada Ruushku isticmaalaan ee yar yar ,gaar ahaana qoryaha la qaato ah ayaa masaafada ay wax ka dilaan aanay ka badnayn 1200 Meter, kuwaas oo  ah kuwo hore loo sameeyey.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply