JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qofna Wakhtigiisa kama Hor-dhimanayo! Ninkii Ka Badbaaday Dilkii Cajiibka Ahaa Iyo Sidu U dhintay

Published: December 6, 2016, 2:40 pm

Sannadkii 1933 ayaa nin la odhan jiray Henry Ziegland  ay gabadhiisu is dishay ka dib markii uu qoyskoodii burburay. Qoyska gabadhiisa ayaa ku canaantay inuu isagu sabab u ahaa isidilkeeda, iyadoo wiil ay walaalo yihiina ugu hanjabay inuu ka aargoosan doono oo dili doono Henery.

Wiilkaasi ayaa Henery oo maalin fadhiya beertiisa dhexdeeda rasasaas bastoolad ka soo dhacday ku dhuftay, ka dibna dhulka ayuu ku dhacay mase dhiman.  laakiin ninka soo riday oo ahaa gabadha walaalkeed ayaa u qaatay inuu dhintay. Henry rasaastu way jiidhaysay waxayna gashay jiradda geed weyn oo beerta dhexdeeda ah.

Henery wuxuu noolaa sannado badan ka dib markii uu shilkaasi ku dhacay, waana uu ka sheekayn jiray sida uu uga badbaaday geerida. Henery ayaa wakhti dambe goostay inuu beerta geedaha ka jaro isagoo geedkii ay rasaastu dhex fadhiday ku xidhay walax alaad yar  oo qarxisa si uu u soo dhaco.

Laakiin taasi ayaa sababtay inay rasaastii geedka ku jirtay qarxado isla markaana ay madaxa ka gasho Henery isagoo isla markiiba halkaasi ku dhintay.  Wakhtigii Allah ugu tallo-galay inuu dhinto ayuu ku dhintay isla rasaastii muddo sannado badan ka hor loogu tallo galay in lagu dilo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply