JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qofka caqliga badani waa kan afkiisa xidha, inta aan dadku ka xidhin dhegahooda..

Published: August 28, 2016, 7:20 pm

“Hooyadu waxay inanteeda la jeceshahay inuu guursado nin wanaagsan, kana wanaagsan xataa aabaheed, laakiin waxay ogtahay in wiilkeedu aanu helayn gabadh ka wanaagsan hooyadii.”

Waa waajib inaan barano sidii aynu walaaltinimo ugu wada noolaan lahayn, haddii kale waxaynu u dhiman sida nacasyada.

“Qofka caqliga badani waa kan afkiisa xidha, inta aan dadku ka xidhin dhegahooda”

“ Haddii aad qof dhigto meel aanu u qalmin oo sare, waxa laga yaaba inuu adiga ku dhigo meel aanad u qalmin oo hoose”

Waxa la weydiiyay nin xakiim ah “ keebaad doonaysaan cadaalad iyo geesinimo, waxaana uu ku jawaabay hadaan cadaalad helno wax kasta waan haysanaa”

“Degdegu waa shaqo shaydaan marka shan arimood laga reebo “ Sooryada martida, Maydka diyaarintiisa, Gabadha gaashaatida ah ee la siinayo nin wanaagsan, Daynta la bixinayo, iyo denbiga oo laga toobad keenayo”

“Xanuunku kuma dhaco jidhka keliya, wuxu ku dhacaa Akhlaaqada, haddii aad aragto qof akhlaaq xun Allah caafimaad u weydii, ruuxdiisa ayaa bugta”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply