fb

Qof kasta wax buu yaqaan, meel buuna ku fiican yahay Nolosha, Arinkan Nala Akhriso.

Published: October 11, 2016, 1:37 pm

Qof kasta wax buu yaqaan, meel buuna ku fiican yahay Nolosha

“Qof kasta waa cabqari, aad u maskax badan. Laakiin haddii aad ku xukmiso kalluun awoodiisa inuusan geed ku kori karin, wuxuu ku noolaanayaa inuu aamino nacas inuu yahay cimrigiisa inta ka dhiman.” Albert Einstein

Professor ayaa wuxuu ku socdaalay Doon. Marki ay dhaqaaqeen ayuu ninki badmaaxa ahaa weydiiyay:

“Ma taqaan Biology, Ecology, Physiology, Hydrogeology, Zoology?

Badmaaxi ayaa yiri, Maya ma aqaan dhamaan.

Professor: Maxaad marka Aduunkan taqaan. Adigoo Jaahil ah ayaad dhimaneysaa. Wax aad taqaan ma leh.

Cabaar markay socdeen, ayaa doonti bilowday inay quusto (degto). Badmaaxi ayaa weydiiyay Professor-ki, Ma taqaan Swimology? (oo uu ula jeeday ma taqaan sida loo dabaasho)
Professor-ki ayaa yiri, “Maya ma aqaan”

Badmaaxi: “Hagaag, shark-ology (libaax badeed) ayaa ku cunaya, sidee yeelaysaa?
Professor: War ina adeerow Badbaado-logy ayaan kaa rabaa!!

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply