fb

Qiso Yaab Leh Oo Inoogu Filan Cibro Qaadasho, Ninkaasi Shaqada Lagama Eryi karo?

Published: October 10, 2016, 12:00 am

Maal qabeenka Henry Ford ee Shirkada Ford ayaa nin khabiir ah shirkadiisa u shaqaaleeyay. Waxaana uu ku yidhi “ Shaqaalaha kormeer oo kuwa aan wax soo saarka lahayn ii soo gudbi, waan eryaya”.

Khabiirka ayaa shaqaalaha kula wareegay sabuurada gacanta, ugu danbaytiina wuxuu ku soo noqday Henry Ford  xafiiskiisa isagoo sida warbixintiisa waxaana uu ku yidhi “ Waxaan helay mid madaxda shirkadda ka mid ah oo aan isagu lahayn wax soo saar,  mar kasta oo aan u galo miiskiisa ayuu ku tiirsan yahay waana qof isla maqan oo meel fog jira, kaasi waxba ma qabanayo, waxaan kugula talinayaa inaad kaasi erido”.

Ford wuu ku raacay inuu eryo, laakiin markii khabiirku magaciisa u sheegay ayuu Henry Ford aad u naxay oo madaxa ruxay, oo si murugo ka muuqato u yidhi “ Waar ninkaasi ma eryi karo, ninkaasi waxaan shaqada u qoray waa inuu meesha u fikiro, iyadii ayuuba ku jiraa, waana mishiinka meesha” Weligaa go’aanka degdega ah iska hubi.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply