JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Yaab Leh Muxuu La Kulmay Ninkii Meeshaas Aad La Dhahay Waxad Soo Aragtana Iisoo Sheeg?!

Published: August 26, 2016, 2:52 pm

Nin ayaa wuxuu u yeeray Nin kale oo wuxuu ku yiri Jihadaas (Dhinacaas) aad oo Lix saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo Aragto ii soo sheeg.

Ninkii sida la Amray ayuu sameeyey oo jihadii loo diray ayuu u baxay, wixii ugu horeeyey ee uu Arko waxey ahaayeen asagoo maraaya Afka hore ee Waddo u dhaxeysa Laba Buurood ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo Dhalaalaya oo Wadada dhex yaala, wixii ayuu Ul uu watay ku Dhuftay, Qarax ayaa dhacay oo Labadii Buurood baa is qabsaday isla markii uu Usha ku Dhuftayba.

Dhinac kale ayuu ka Wareegay oo socodkiisii ayuu sii watay. Dabadeed wuxuu arkay Guri Qurux badan, Gurigii ayuu Albaabkiisii furay mise Ur ayuu Dareemay, markuu Fiiriyay waxa Gudaha ka soo Urayana wuxuu arkay in Saxaro ka Buuxdo, wuu iska soo Xiray socodkii ayuuna sii watay.

Weli Lixdii saac ma dhammaan sidaa awgeedna Socodkii ayuu sii watay.

Dhacdadii Saddexaad ee uu la kulmayna waxey ahayd inuu arkay Rati Gaajo la Dhiman rabo oo Dhex taagan Dhul ilaahey Doog iyo Barqaaqo ku maneystay balse aanan Cunayn Naqda iyo Doogga baxay.

Wuu ka sii socday oo misna wuxuu la kulmay Rati kale oo Fadhiya oo ay Calooshiisii iyo Qeybaha jirkiisa ay iska Cunayaan Bahallo oo aaney Dan ka lahayn ee iska Daaqaya oo Naqa iska Raamsanaya.

Wuu iska sii Socdayoo ugu Dambayntii wuxuu la kulmay Gabar Qurxoon oo Gadaal Gadaal u sii Ordeysa, Gabadhii ayuu Daba orday, iyadana wey ka sii Carareysaa wuu Gaari kari waayay, Wakhtigii ayaa dhamaaday ee Lixda saac ahaa, kolkaasuu iska soo laabtay.

Intaas ka dib wuxuu u yimid Ninkii markii hore diray, wuxuuna u sheegay Waxyaalihii uu soo arkay oo dhan, dabadeed wuxuu ugu jawaabay hadaba waan kuu Fasiri waxaad soo Aragtay ee i dhagayso:-

1- Wixii Dhalaalayay ee aad Usha ku Dhufatay ee Labadii Buurood is qabsadeen waa FITNADA.

(Fitnadu marka hore wey Huruddaa markiise la toosiyo Dhib weyn ayaa yimaada iyo Khasaaro wayn).

2- Gurigii Quruxda badnaa ee aad la Kulantay gudahana Saxaradu ka Buuxday waa Taariku Salaatka. (Qofka Salaadii ka tagay).

waayo Qofka aan Tukan Kor wuu ka Labisan yahay, Jirkiisa wuu Qurxiyaa, balse Qalbiga waxaa ka buuxa Saxaro, waayo waa Qalbi aan Alle Xusin, una Sujuudin.

3- Ratigii keynta Barwaaqada ah taagnaa balse ka Qatanaa waa Bakhiilka.

waayo Bakhiilku Xoolihiisa cidna Wax kama siiyo, asna kuma Baahi baxo, oo wuu ka Qadsan yahay.

4- Ratigii Xubnihiisa la iska Cunaayay ee aan Danta ka laheyna waa Deeqsiga.

Deeqsi Xoolihiisa Dadkoo dhan ayaa Cuna, Dhibna uma arko, Naftiisana kama Bakhiilo, Dadkana kama Bakhiilo.

5- Gabadhii Gadaal Gadaal u Carareysay, waa Adduunyo, weligaa Daba Orod gaari maysid.

Wabillaahi Towfiiq.
(EEBOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply