JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Xanuun Badan Oo Ku dhacday Gabadh Soomaaliyeed, Wiilka Reerkiisa Waxee Iyaqaanaan Saaxiradii..

Published: June 8, 2013, 12:00 am

Sheekadaani ayey ku dhacdey gabadh somaliyeed waa sheeko dhab ahi waxayna ku bilaabanaysaa qisadeedii ku dhacday iyadoo kobciye.com ugu sheekeynaysa sida tan: Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay,

Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.
Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.

Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.

Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah.

Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.
Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigidka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey.

oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad

uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy.

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah.

A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay,

lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.

Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas ahayn.

wuxuu igu yiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiiyey:

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?. mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya Waad u qalantaa walaal waana aqbalay

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolayn, Nasiib daro waxaa na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono..

Maalinimada Beri Ah Kobciye.com Ka Akhriso Dhamaadka Sheekada..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply