JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Xannuun Badan Maxey Go’aansatay Hooyadii Looga Tagay Wiilkii Aaysan Dhalin..?!!

Published: September 6, 2016, 10:03 am

Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay Maamo weyn oo Ooyeysa, Gacmahana kor u Taageysa oo aan ilmada kala joojineynin, Gabadhii waxey u timid Maamadii oo weydiisay Maxaa ku helay Hooyo oo sidaan ugu Ooyeysaa?, waxayna ugu jawaabtay sida tan:-

Maamo:- Waxaan ahaa Gabar waxaan is Guursanay Nin, ka dib waxaan wada Nooleyn muddo 8sano ah, waxna uma Dhalin.Ka dib wuxuu Guursaday Gabar kale oo Alle uu ka siiyay Wiil. Waxaan ahaa inta kadib mid aad u Qalbi jaban oo u Murugeysan.

Labo sano ka dib ayaa Maalin waxaa dhacday in Ninkaygii iyo Xaaskiisa Labaad ay Safar u baxeen, waxaana la iiga tagay Wiilkii yaraa ee ay Dhaleen, markii ay sii baxayeen ayaa waxaan Go’aansadey inaan Wiilka dilo oo aan Gowraco, laakin intaanan taas ku Dhaqaaqin ayaa waxaa ii soo dhacay Talefoon kaas oo la iigu sheegay Ninkaygii iyo Xaaskiisa kaleba in Shil Baabuur ay ku Geeriyoodeen. ka dib waxaan ku Fikiray in Wiilka yaraa aan Silciyo oo Silac uu u Dhinto.

waan Garaacay weliba Garaacis uu la Miir Doorsoomay, weliba isagoo i dhahaayo Maamaa Maamaa,
waxaana ku Dhextuuray Maqasiinka isagoo Miir Doorsoomay,vwuu soo Naaxay Saacado kadib isagoo leh Maama Caano, Hadana mar Labaad ayaan Garaacay ilaa uu ka Miir Doorsoomay, waxaana ku soo Xiray maqaasiinkii mar Labaad. waxyar ka dib waxaa i qabatay Hurdo oo waan Gam’ay, laakin waxaan arkay Riyo aan ka Seexan waayay Hurdadaas kadib waxaan arkay Anigoo la i Cadaabaayo Qalbigayga lagu Shubaayo Dhagaxaan Naar ka sameysan, Gacmahaygana Silsilo Naar lagu xirxiray.

Mar qura ayaan soo booday, waxaana Maqlay Saqiirkii oo Cod hoose ku leh Maamo Biyo, Anigoo Naxsan ayaan Biyo siiyay oo Caano yarna u sameeyay. Muddo ka dib wuu koray Wiilkii, wuxuuna ii heystay weligiis inaan Hooyadiis ahay.

Hadda waxaan ahay 68 jir, isagiina waa 32 jir, Maanta Qofka Xajka i keenay waa isaga, waxaan Xusuustay Kelimadii uu i lahaa markii aan Garaaci jiray ee uu igu Oran jiray Maama, Waxaan la ilmeeyaa sida aan yeeli jiray Xanuunkeeda iyo sida uu ii Wanaajiyay Maanta oo aan cid kale heysan iyo anigoo u sheegi karin sida aan ku sameyn jiray markuu
Saqiirka ahaa.

(ilaahoow Hooyo haka Qaadin Caruurteeda markay Saqiirka
yihiin oo Koriimo uga Baahan yihiin).

Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW HOOYO JANADA KU ARZAAQ)
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.