fb

Qiso “Rumayso Inaad Guulaysanayso” Naftaada Oo Aad Kalsooni Siisaa Waxey Ku Dhaxalsiisaa..

Published: November 10, 2016, 9:10 pm

Dalka Japan boqortooyadii ka talin jirtay ayaa ciidmadiisa ku dagaal gelin jirtay hab cajiib ah.  Markasta oo dagaal gelayaan wuxuu samayn jiray inuu ciidanka hortiisa ku tuuro shilin naxaas ka samaysan oo ahayd lacagta ay isticmaali jireen kaasi oo dhinac qoraal ku lahaa , dhinaca kalena sawir. Waxaana uu odhan jiray haddii uu dhinaca sawirka u dhaco waan guulaysnaynaa waana inaan dagaalka qaadno.

Marka uu dhinacaasi u dhaco ciidamadu dagaalka waxay ku geli jireen iyagoo aaminsan in aanay jabayn. Waxaana yaab noqotay in ciidamadiisu ay sidaasi ku guulaysan jireen, madaama aanay aaminsanaynba inay jirto guuldaro. Markii uu boqorkii weynaaday ayaa inankiisu dhaxlayay, waxaanu ku yidhi aabo igu wareeji shilinkii dagaalka ee guusha aynu ka sadaaslin jirnay .   Boqorkiina wiilkiisa wuu u dhiibay shilinkii oo labadiisa dhinacba uu sawir yahay oo isku mid ah kaasi oo ka duwan kan ay isticmalaan ee labada weji leh.

Wiilka ayaa yaabay oo ku yidhi aabo, waa sidee labada dhinac waa isku mide, laakiin wuxu ugu jawaabay haa waa isku mid waxaana aan sidaasi u yeelay inay ciidanku aaminsanaadaan inay guulaysanaayan, waana ay hirgashay.

Boqorku waxa uu wiilkiisa siiyay halku dhegan: “Guushuna waxay timaadaa markaad aaminto in aanay guuldaro jirin Guuldaradu waxay ku timaadaa marakaad aaminsantahay inay dhacayso,”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply