JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Mudana Cibro Qaadasho Iyo Ninkii Gaalka ahaa Ee U Tagay Sheekha….!!!

Published: June 9, 2014, 11:22 am

Nin u Dhashay Dalka Ingiriiska, ayaa u yimid Nin Sheekh ah, wuxuuna ku yiri:- Sheekhoow Haweenka Muslimaadka ah Maxey Ragga Ajaaniibta ah, ay u Salaami waayeen oo ay Gacanta u Gelin waayeen?

Sheekhii ayaa ugu Jawaabay oo yiri:- Adiga Suurtagal miyaa inaad Gacanta Geliso Boqaradaada?, Ninkii ayaa yiri:- Maya Gacan ma gelin karo, Rag ayey Khaas u tahay iney Gacanta geliyaan waayo waa Boqorad.

Sheekhii ayaa haddana yiri:- Haweenkeenuna waa Boqorado, Ragga oo dhan Gacan ma gelin karaan, Rag iyaga u Khaas ah Mooyee.

Haddana, Ninkii wuxuu weydiiyey Sheekha:- Sheekhoow Haweenka Muslimaadka ah maxay Jirkood iyo Timahooda ay u Qariyaan?,

Sheekha ayaa ugu jawaabay oo yiri:- Haddii Labo Nac-nac oo Midna la Furo, Midna aan la Furin oo sidiisa uu yahay, midKee qaadan laheed?, Ninkii Gaalka ayaa yiri:- Midka aan la Furin ayaan qaadanaa.

Kolkaas ayaa Sheekhii yiri:- Haddaba, Haweenkeena iyo kuwiina waa sidaas oo kale, oo Haweenkeenu waa sida Nac-nacaas aan la Furin weli oo waa Nadiif, Xumaan oo dhan ayey ka Dhowsan yihiin.

=================================
(ILAAHOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W/Q Mohamed Abdullahi Ali


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply