JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Kuna Saabsan Qiimaha HOOYO, Warqaddii maxaa xigay…!!!

Published: December 13, 2016, 12:00 am

Isagoo yar ayaa aabihiis dhintay, isaga iyo hoyadiis oo qudha ayaa guriga ku wada noolaa, hooyadu markay School-ka u dirto ayay suuqa u shaqo tagi jirtay si ay u soo hesho wax ay quutaan iyada iyo wiilkeeda yari.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa uu guriga yimid waqtigii uu imaan jiray waqti ka horreeya!

Hooyadii ayaa shaqada ka timid oo guriga soo gaartay, mise waa wiilkii yaraa oo albaabka hore fadhiya!

Hooyo maxaa ku helay?!
Aaway School-kii?!

Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay :
Hooyo maamuliha ayaa warqaddaan iigu kaa soo dhiibay.

Hooyadii ayaa tiri : hagaag, haddaba ina soo gali guriga.
warqaddii ayay ka qaadday oo akhrisay.

Wiilkii yaraa oo hooyadiis eegaya ayaa yiri :
Hooyo maxaa ku qoran warqadda?

hooyadii ayaa ugu jawaabtay iyada oo dhoolla-caddaynaysa : Hooyo waxa ku qoran (wiilkaagu aad buu ugu fiicanyahay wax-barashada, aad bayna fahmaddiisu u sarraysaa, ee guriga wax ku bar si uu dhakhsaba horay ugu socdo, school-ku dib dhig ayuu ku yahay waayo ardayda wuu ka fahmad badanyahay)

wiilkii yaraa : hagaag, haye hooyo.

Maxaa xigay?! sii akhri adaaba yaabi doonee!

hooyadii waxa ay guriga ugu diyaarisay agabkii wax barashada, iyo macallin (Bare) guriga wax ku bara.

muddo dheer ka dib, waxa uu noqday wiilkii yaraa mid aad aqoontiisu u sarrayso, guriga ayuu ku dhamaystay Ilaa Heerka dugisga sare, kadib waxa uu ku biiray jaamacadda, waxa uu noqday mid ka dhex tilmaaman ardayda, Imtixaandaakana waxa uu ku baasayay A+ waxa uuna ahaa Ardayga koobaad ee Fasalka kulliyadda iyo jaamacddaba.

waxa uu dhamaystay jaamacaddii, waana uu shaqo bilaabay.
Hooyadii ayaa xanuunsatay, dhakhtarka ayaa la dhigay muddo yar kadibse waa ay dhimatay..!!! waana la aasay!

sanado kadib ayaa wiilkii waxa uu furay sanduuq ay hooadiis lahayd, oo ay ka dhimatay.

waxa uu ku arkay warqaddiii maamuluhu u soo dhiibay markii uu yaraa…!!!!

waa uu kala furay oo akhriyay mise waxaa ku qoran :

(Wiilkaagu waxba ma baran karo ee ha islu daalin annagana ha na daalin ee guriga ha kuu joogo…!!!)

Maxaad ka fahamtay sheekadaan?

>>> Dhammaaad <<<

M a h a d s a n i d

Qalinkii :
Sharma’arke C/laahi Cawed

Wixii talo iyo tusaalayn ah la xidhiidh:

Email : Hilali717379@gmail.com
Facebook : Sharmarke Abdullahi Awed
Tell Number : +0025 290 7 717379


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply