JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Gaaban Muxuu Sameeyay Wiilkii Imtixaanka Ku Arkay Curiska Fadliga Hooyada..!!

Published: December 9, 2016, 2:31 pm

Markii uu Imtixaanka u fadhiistay Maxamed C/kariim  oo degan waqooyiga gobolka Siinay, waxa uu isha  ku dhuftay  su’aal ku jirtey oo curis laga qorayay  “ Fadliga weyn ee Hooyada “. Waxay ku reebtay murugo badan waayo maalmahaasi ayay hooyadii dhimatay.

Maxamed ayaa curiskaasi ku qoray “ Hooyaday way dhimatay, wax kastana way la dhimatay”. Erayada jawaabtaasi oo aad uga yaabisay macalimiinta, una muujisay niyada murugaysan ee wiilkan ayaa sababtay in  Wakiilka waxbarashada ee gobolka iyo maamulaha dugsiga oo gabadh ahayd ay xafiiska ugu yeedhaan kuna waraystaan waxa jawaabatiisan ku kelifay iyagoo aad ugu muujiyay ixtiraam. Laakiin wiilka oo ilmo ka qubanayso ayaa u sheegay in dhowaan hooyadii dhimatay, ka dibna ay noloshu ku adkaatay.

Waxaana ay siiyeen shahaadad kor u qaadaysa niyadda iyo macnawiyadda qofka. Iyagoo murugadiisana la wadaagay, waxaana  ardaygaasi yar kafaala qaaday Jaamacadda As-har oo noloshiisa si dhamaystiran u dabooli doonta.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply