JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Cajiib Badan Weli Sidan Arrin Halis ahi Ma kugu Dhacay? Sideese Ku Xalisay..

Published: November 5, 2016, 1:42 pm

Gabadha ayaa ninka u sheegtay inay doonayso inay iska furto ninkeeda oo ka maqnaa muddo badan, waxayna ka codsatay inuu Maxkamadda u raaco oo uu iska dhigo ninkeeddii oo furaya  isla markaana ay siin doonto $ 20 marka ay qaadato warqadda furiinka. Markiiba wuu ogolaaday balanqaadkii ka dib.

Subaxnimadii ayay isu raaceen Maxkammada , markii xaakinku gabadhu dacwadeeda akhriday ayuu isagun ku yidhi “ Waa gabadhan ma adigaa qaba oo naagtaadi tahay”? waxaana uu yidhi Haa.

Xaakinka aya ku celiyay “ Cabashada ah in aanad biil siin soo run maha ? Waxaan uu ku jawaabay haa, laakiin imika ayaan furayaa oo warqadeedii siinaya. Xaakinka ayaa ka dib go’aakan soo saaray “ Fur , warqadeedii sii, isla markaaan waxaad siin doonta oo aanu kugu xukunay $ 1000”. Ninkii ayaa aad u yaabay lacagtan lagu xukumay, wuxu  sameeyana muu garanayn.

Markii ay gabadhii isa soo raaceen ayay ku tidhi “ Waxaad yeelaysaa isii $ 980, ee 1000 maxkamadu iigu kaa xukuntay, marka aad ka goosato labaatankii aan kuugu balan qaaday “!. Ninkii oo yaaban ayaa yidhi oo anigu miyaan ku qabay , soo waxaan sheegayay been ma ahayn. Waxayna ku jawaabtay “ isk dhaaf bixi lacagta ama maxkamadda aan ku noqdo halagu xidhee”. Tani waa cidhibta beenta aad u sheegto adigoo damac ku hayo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply