fb

Qiso Cajiib Ah Wiilkii Lix Jirka Ahaa Ee Masjidka Ku Tukan Jiray Muxuu La Kulmay..!!

Published: November 9, 2016, 2:21 pm

Wiil yar oo 5 ilaa 6jir ah, ayaa wuxuu Salaadda ku Tukan jiray Masaajidka Gurigooda ku Dhegan waliba Safka hore ee iimaanka ku Xiga, ka dib Wiilkaasi wuxuu Caadeystay inuu Salaad kasta marka Faataxada la dhameeyo ee aamiin la dhaho inuu Cod aad Argagax badan oo Qeylo ah uu ku yiraahdo Aamiin, Dadka agtiisa ku Tukanayana ay aad u Dhibsadaan Qeylada Wiilka.

Ayaamo badan markuu sidaa ahaa oo marka Salaada laga baxoba uu si Degdeg ah Masaajidka uga baxo ayaa Maalinkii dambe iimaamkii soo qabtay, wuxuuna Weydiiday waxa Salaad kasta ku Kalifay inuu sidaa u Qeyliyo.

Haddaba, Wiilkii yaraa wuxuu ku jawaabay:- Waxaan Deggenahay Gurigan aad arkeysid ee ku xiga Masaajidka, haddaba Aabahey ma Tukado Salaada, Anigana sidaas waxaan u sameeyaa inuu Aabahey Maqlo Codkeyga oo arko inaan Tukanaayo isna uu igu Daydo oo uu Tukado Salaadda.

Haddaba, intaas ka dib iimaamkii wuxuu u aaday Wiilka Aabahiisa, wuuna uga Sheekeeyay Qisadii dhex martay isaga iyo Wiilka yar, isla markiina Ninkii Salaada ayuu Bilaabay, Allaah ayuuna u Towbad keenay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW SALAADDA NAGU HANUUNI).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply