fb

Qiso Cajiib Ah Qoyskii Qaaliga Ahaa Ee Ku Xirnaa ALLE Iyo Carruurtoodii Maxaa Kala Qabsaday..??!!

Published: June 5, 2014, 11:18 am

Waxaa jiray Famil Allah ku xiran, mar walbana Allaah Xusa, si aad ahna ugu Dhaqma Diinta Islaamka, Familkaas intaas oo kaliya meysan aheyn waxaa intaas u Dheeraa waxey Ciyaalka Bari jireen Diinta,

Cayaalkaas waxaa ka mid ahaa Wiil yar 8jir ah, Wiilkaas yar wuxuu ku dhashay Wadan gaal wuxuu wax la bartaa Ciyaal Gaalo ah, haddana wax walba wuu kala Og yahay.

Haddaba, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Ciyaalkii Iskuulka dhan la Weydinayey Cunug walba waxa uu jecel yahay Mustaqbalka inuu noqdo ilaa Wiilkii la soo gaaray, markii la Weydiiyey Wiilkii yaraa wuxuu ku jawaabay:- Waxaan jeclahay Mustaqbalka inaan noqdo Saxaabi.

Macalimiintii wey la yaabeen waxa uu jecel yahay Cunugaan yar inuu noqdo Mustaqbalka, waxaana Arrintaasi soo dhoweeyey Waalidkii Wiilka Dhalay, mana Aqoonin Macalimiinta waxa uu Wiilka ugala jeedo Ereygaasi Saxaabi, balse waxaa u Fasiray Waalidkii Wiilka dhalay oo u sheegay Islaamka ka hor iney Dadka sidii Xoolaha oo kale ay u Gowrici jireen Gabdhaha,

Waxey kaloo uga Warameen waxyaabo badan oo Diinka Islaamka ay ku dhisan tahay iyo Wanaageeda, ka dib Maclimiinta Wiilka la socday oo Labo ahaa markey hadalkaasi maqleen aad ayey ula Yaabeen, isla goobtii ayeyna ku qaateen Diinta Islaamka, waxeyna Ogaadeen iney yihiin kuwo Xaqa ka Lunsan, Maasha Allaah Wiilkaas iyo Waalidkiisa ayaa Ilaaheey sabab uga dhigay iney soo Islaamaan.

Haddaba waxaa Muhiim ah Qof walba oo Waddada ilaah ka Lunsan inaad tusto waddada Xaqa ah, Haddaan tusaale u soo qaadano waxaa jiro Hablo Muslimiin ah oo Wanaagsan, isla markaasina Heysto Xijaabka oo haddii la weydiiyo Xijaabka waxa uu yahay, ama waxa ay Diintu ka qabto aaney Garaneynin sidii ay u Fahamsiin lahaayeen Qofkii weydiiyey, waana Muhiim iney Hooyo kasto ay Ubadkeeda tusto Xijaabta iyo sida uu Allaah ugu Waajib yeelay Dumarka Muslimiinta ah.

Ogoowna Ruux walboo Muslim ah waxaa saaran Waajib inuu Baro Caruurtiisa ama Walaalahiisa Muslimiinta ah Wax kastoo ay Diinteenu ina Fareyso iyo Wax kastoo ay inaga Reebeyso.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW XAQA NA FAHAMSII, YAA RABBI).
W/Q Mohamed Abdullahi Ali


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply