JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Cajiib Ah Muxuu Sameeyay Ninkii Hadalka Lagu Xumeyn Jiray Iyo Wanaagii Uu Sameeyay..

Published: December 16, 2016, 9:22 pm

Nin ayaa wuxuu yiri Nin aan Qaraabo nahay ayaa Hadalka igu Xumayn jiray oo aad ii Dhibi jiray, Anigu waxaan ahaa 40 jir, wuxuu ahaa 60 jir. Ilaahay baan ku Dhaartaye mar kasta oo aan Duceysanaayo Odaygaas waxaan ugu Duceyn jiray waxa aan Aniga Nafteyda uga Baryaayo ilaaheey oo ma Hilmaami jirin.

Waxaan Xusuustaa Maalin ayaan soo marsaday Barafuun Udgoon, markaa Nin kale oo Saaxiibkeyga ah ayaa yiri:- Maashaa Allaah aad ayuu u Udgoon yahay Barafuunka aad soo marsatay. Odaygii ayaa la soo Booday oo yiri:- inuu soo Xaday ayaa laga yaabaa.

Walaalkiis ayaan uga Dacwooday waxaana ku iri:- Walaalkaaga wax Dhibaato ah oo na dhex martay oo aan Xusuusto ma jirto ee muxuu iga Rabaa?.

Walaalkiis wuxuu igu yiri:- Walaal Ilaahay hasoo Hanuuniyee, wuxuu iskaga hadlaa waxaan Faa’iido lahayn.

Haddaba, Saaxiibkey ayaa Arintii uga Sheekeeyay, wuxuuna igula Taliyay inaan Hadiyada soo iibiyo oo aan Booqdo Waqti ku haboon. Sidaas ayaana sameeyay waxaana u soo iibiyay Hadiyad aad u Qaali ah, waxaana u guys geeyey Gurigiisa, Gurigii ayaan garaacay isagii ayaana iga Furay, wuxuuna igu qaabilay Weji Macbuusnimo, wuxuuna igu yiri:- Ma soo Galaysaa?.

Waxaan ku iri:- wax kale kuuguma imaan inaan ku Siyaarto Mooyee, Hadal Wanaagsan iyo Qaab Wanaagsana waa ula hadlay, mana Rabin inaan joogitaan ka ku Dheeraado ee waxaan ku iri ina keen Ujeedka aan kuugu imid aan Guda galnee, waxaan u Dhiibay Hadiyadii oo Gaarigayga Dhex taalay.

Wallaahi waxaan Caadi ahayn ayaa dhacay Afkii ayuu Furtay Wuxuu yiri:- i Cafi waan kugu Xad gudbay oo Khalad ayaan kaa galay. (aad ayuuna u Ooyay).

(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply