fb

Qiso Cajiib Ah Kana Turjumeyso Wanaaga Sadaqada ‘Neefkani waa bilaash ee Iska qaado’

Published: November 10, 2016, 9:08 pm

Waxay ahayd maalmihii ciida, waxaana uu u soo iibiyay qoyskiisa naeef ay qashaan, laakiin nin ay saaxiib ahaayeen ayaa u soo dhiibay si uu gurigiisa u geeyo. Ninkaasi ayaa neefkii geeyay guri ku xiga oo ah qoys hasta caruur agoon ah, kuwaasi oo ad ugu farxay waxayna hooyada qoysku u qaadatay inay  keeneen hay’adaha samafalka.

Markii aabuhu guriga yimi wuxuu arkay neefkii oo uu waydiiyay, waxayna hooyadu ugu jawabtay in aanay arag, laakiin laga yaabo guriga ku xiga in la geeyay oo neef joogay. Aaaabaha ayaa yidhi waaa sax ee u daaya mid kale ayaan soo iibinayaaye.

Markii uu sayladda tegay ayuu neef iibsaday aad u wanaagsan oo kaba wanagsan kii sii  hore, xulashadiisa ka dib wuxuu weydiiyay ninkii watay lacagta uu bixiyo, laakiin wuxuu ugu jawaabay adhigan anigaa keenay, waxaana aan hore  nidar ugu galay in aanan qofka ugu horreeya ka qaadin lacag ee aan bilaash u siiyo, sidaas darteed kaxayso mana bixinaysid  lacaga si uu nidarkaygu u fulo. Markaad niyad wanaagsan wax u bixiso Aallah ayaa abaalkeeda ku siinaya.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply