fb

Qiimaha Lacagaha Aduunka Iyo Sababta Ka Danbeysay Dollarka Ugu Hormaro Isticmaalka Lacaga ‘Nashqadii Beey naga xadeen’.

Published: September 6, 2016, 10:00 am

Lacag ama beeso waa sheey wareego oo eey dadku wax ku kala iibsadaan, Tusaala ahaan haddii aad haysato orgi, dharna aad u baahantahay, Qof dhar hayo kaliya uma baahnid ee waxaad u baahan tahay qof rabo hilib si markaa kadib kuugu suurtagasho helitaanka Dharka sidaasi awgeed ayeey lacagta u noqotay masdarka 1aad ee xaga tijaarada iyo wax kala iibsiga dadka dhaxdiisa ah.

Haddaba aqristow dal kasto waxuu leeyahay lacag u gooni ah, Walow eey lacagaha, iyagu laftigooda kala qaalisan yihiin ama kala horeeyaan taasoo badanaa loo xariiriya wax soo saarka iyo horumarka dhaqaala ee dowladuha aduunka ku kala hormarsanyihiin.

Maadaama ey lacagtu tahay tiirka dhaqaale ee shacuubta iska leh, waa in qiimaheeda iyo qaayaheeda eey dadkaasi si xor ah isaga xilsaaraan.

Tusaala ahaan lacagaha aduunka ugu dhaqdhaqaaqa badan waxaa ka mid ah Dollarka Mareykanka oo tuulo kasto iyo geed kasto oo aad tagtaba aad wax kaga iibsan karto waayo waxaa ku qoran”In God we trust” Illaah baan aaminsanahay ama rumaysanahay”
Trust:= Beleif or confidence in the power, Reality, truth, goodness (etc)of a person or thing.

Waa rumaynta ama ku kalsoonaanta awooda, jiritaanka, xaqiiqada iyo wanaaga uu sheey ama qof leeyahay sidaasi aawgeed waa oraah xajmigeeda leh, kuna fadhiso qiima wayn.

Sidoo kale ayaa waxa jiro aayad quraan oo ina fareyso haddii aan islaan anahay.

(Quuluu aamana Bilaahi)
” dhaha Illaah baan rumeysanahay.

Haddaba waxay naga xadeen nashqadii Shakina kuma jiro ineey kala soo baxeen Kitaabkii Nabi Ciise(sc) lagu soo dajiyay ee injiil.

Haddaba dhaqan galinta oraahdaas qiimaha leh waxuu maraykanka dhaqan galiyay waqti aan ka fogeyn xilli eey dalkiisa iyo dadkiisaba aad u liiteen, kalsoonidii iyo aaminaadii dhaxdoodana ku luntay dagaaladii sokeeye ee dalkaasi hareeyay waqti dheer,Kana yeelay sida maanta Soomaaliya tahay oo kale, Si la isugu keeno dadkii kala aafoobay ee kala niyad xumaa darteed, waana u suurtagashay oo maalintaa kadib ma jirin habacsanaan ku timid Maraykanka.

Nasiib xumo, Inaguna waxan iska indhatirnay waxa uu ina farayo kitaabkeena quraanka ah ooba laga yaabo in badankeenu aanan wax badan ka aqoon waana nasiib daro u soo hoyatay Bulshada islaamka ah guud ahaan, gaar ahaana Soomaalida oo iyagu aanan qiima u lahayn sida lacagtooda Kunka ka bilaabato kuna dhamaato oo kale!!

Isku soo duuboo waxaa la joogaa xilligii aan illaahey u noqon lahayn si dadkeena uga baxo Tiiha iyo basanbaaska xilliga dheer soo hayay.

By: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.