fb

Odhaahyo Muhiim U Ah Nolosha Aanu Ku Nool Nahay, Barnaamijkii KOBCI MASKAXDAADA!!

Published: December 10, 2016, 1:44 pm

Talooyin kulul oo hada Dabka laga soo qaaday

1. Goortii qof kaa careysiiyo ama ku caayo, waxay kugu qaadaneysaa 42 muruq oo wejigaaga ah in aad afka taagto laakiin waxay kugu qaadaneysaa keliya 4 muruq in aad gacantaada fidiso oo aad dharbaaxo kaga soo goyso

2. Haddii adigoo sheekeynaya qof ku yiraahdo, Horaa noogu sheegtay ama waa nooga sheekeysay, waxay ka dhigan tahay “Dhako yare kaarto kale keen maalin kasta intaan ayaad sheeko nooga dhigtaa!”

3. Wiil dhalinyaro ah oo aad sheekeysataan haddii uu soo jeediyo in uu gurigiisa kuu kaxeeyo, Aqbal ka dibna eeg in uu Sariirtiisa ku geeyo iyo in uu waalidkii kuu geeyo si uu kuu soo baro

4. Gabar dhalinyaro ah haddii aad sheekeysataan, eeg in ay mashquul ku tahay selfie qurxoon iska qaadid iyo inay mashquul ku tahay qurxinta self-keeda, suuradeeda

5. Marnaba hees aad jeceshahay ha ka dhicin ringtone Mobile-ka kuugu soo dhaco, waxay noqoneysaa in aad iska sii dhageysato halki aad ka qaban lahayd

6. Hadaa qof amaahineyso lacag, dhar ama alaab, markaa u dhiibto sawir ka qaad qofki oo kor u haya si hadhow haduu keeno muran ama inkiraad aad u tusto

7. Hadii Nin belaayo isaga kaa dhigaya ku yiraahdo wax kasta waa kuu awoodaa oo waa kuu sameyn karaa, waxaad ku tiraahdaa igu soo wareeji Saxiixa Akoonkaaga Bankiga ka dib isagaa bootada deynaya

8. Marnaba ha ka cararin Nin Boolis ah oo Buuran, waxay u badan tahay inuu ku toogto halki uu ku ceyrsan lahaa

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply